Yaa Geeya Inuu Hogaamiyo Qarankan (Somaliland) Qalinkii W/Q … Abdirahmaan H. Osman ( Shaam) Qaybtii 3aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Geeya Inuu Hogaamiyo Qarankan (Somaliland) Qalinkii W/Q … Abdirahmaan H. Osman ( Shaam) Qaybtii 3aad
November 6, 2016 - Written by Wariye:

Waxaynu hore u soo marnay 4 arimood ay tahay inuu hogaamiyuhu yeesho waxayna kala ahaayeen Vision (Hiigsi) , Credibility ( Aaminaad) , Competent ( Aqoon & Karti) iyo Liability (Masuuliyad)

5) Confident ( ku kalsoon) hogaamiyuhu waa inuu kalsooni isu qabaa hadaanu qofku kalsooni isu qabin hogaamiye ma noqon karo sababtu maxay tahay hogaamiyuhu marka laga sheekanayo kolkuu hiigsi dejiyo waa inuu dadka u jiheeyaa dhinaca hiigsiga waxaana uu ugu jiheen karaa afar shay isaga oo isticmaalaya

a) Inuu isticmaalo baqdin oo dadkii uu ciqaab ugu hanjabayo

b) Dhiiro galin oo uu yidhaahdo qofkasta dhiira galin baa lasiinayaa

c) Inaad qofkii qanciso oo aad u waranto muhiimada uu leeyahayna aad

ku qanciso

d) qofka inaad u jeediso khudbad saamaysa maskaxdiisa badashana

afartaaa shay koormay imaadaan ? adiga marka aad kalsooni isu qabto hadaanad kalsooni

isu qabin qofkii uma hanjabi kartid sababtoo ah waxaad is leedahay hadaad u hanjabto bilow wax kaaga soo noqdaan , dhiira galintaada ma soconayso isla mar ahaantaana qofkii ma qancin kartid oo adiga laftaadii ayaanan qanacsaneen oo aanan isku kalsooneen dadkii inaad saameen ku yeelato aad bay u adkaanaysaa , hogaamiye inaad noqoto hadaad rabto kalsooni waa inaad yeelato waxaan ula jeedaa waa inaad ku kalsoontahay awoodahaaga ,kartidaada , aqoontaada dhamaan waxa ilaahay ku siiyey oo dhan ee aad haysato waa inaadan aaminsanayn inaad hoosayso inaad liidato hadii aad aaminsantahay kuwaa kor u socon maysid mar alla markii wax lagaa sheego waad baqanaysaa markay cid ku naqdido waad gubanaysaa mar alla markay mashaakilku kugu bataan waxba ka qaban kari maysid oo waad isku dhex yaacaysaa waxna xalin kari maysid shay kasta inaad dib u dhigato oo tiraahdo beritoolaan qabanayaa sidoo kale hogaamintu maaha wax lagu dhasho waa waxaad baran karto waa xirfad qarankani maanta waxa uu u baahanyahay hogaamiyayaal farabadan.

6) Self Control (naftiisa xakamayn karaa ) hogaamiyuhu waa inuu naftiisa xakamayn karaa oo uu ka adagyahay wax badan baa soo jiidanaya cawaadif buu leeyahay mararka qaar buu caroonayaa mararka qaar buu arkayaa wuxuu jecelyahay waa inuu xakameen karaa waxaso dhan haday naftiisa cadhooto iyo haday faraxdo sababtu waa maxay hadii uu naftiisa xakamayn Karin waxa dhici karta waqtiyada noocaasa inuu go’aamo qaldan qaato buuga layidhaahdo (Leadership challenge) marka uu tilmaamayo sifooyinka ugu muhiimsan ee uu leeyahay hogaamiyuhu waa Self Control (naftiisa xakamayn karaa )sifadani waxa soo hoos galaya 4sifo :-

a) hogaamiyuhu waa inuu sabir leeyahay oo mashaakilka soo wajahaya waa inuu u adkaysan karaa oo uu xamili karaa waliba sabirku waa inaadan muujin dhibaatada ku haysato hadii aad sheek sheekto sabir ma noqonayso.

b) hogaamiyuhu waa inuu geesi yahay,waa inuu gacanta ku hayn karaa inay naftiisa

baqato markay arin soo wajahdo arintaasna kaysan karaysa baqasho kana adkaan karaa oo uu ka guulaysto maadaama uu umad xukumayo go’aan baa looga baahan yahay waa inaanu u joojin oo uu go’aanka saxda ah qaato Tusaale meel baad haysataa waxaa kuu yimid qof aad ujeceshahay waxaanu kaa dalbaday inaad u samayso waxaan sharciga waafaqsaneen waana qof aad ixtiraamayso go’aankee baad qaadanaysaa? hadii aaad geesi tahay waxaad qaadanaysaa go’aanka odhanayaa kuuma ogoli waad diidaysaa wuxuu rabo sharcigaad raacaysaa markaasay geesinimadaadii cadaanaysaa laakiin hadii aad dalabkiisa qaadato geesinimadu way kaa maqantahay

c) hogaamiyuhu waa inuu dulqaad leeyahay ,marka aad cadhooto waa inaad xakamaysaa naftaada oo qofkii mushkilada kuu gaystay adiga oo awoodi kara inaad dhibaato u gaysato waa inaad iska dhaafto oo iska cafiso waxa laga yaabaa hadaad madaxweyne tahay ama wasiir tahay inay dadku ku caayaan jaraa’idkana laguugu soo qoro adigoo xaq uleh inaad qofkaa maxkamad soo saarto awoodna u leh inaad punish gareeso ( ciqaabto ) hadii aad iska cafiso waxay tilmaamaysaa inaad dulqaad leedahay laakiinse qofkasta oo wax kaa sheega hadii aad gacan

biraa ku qabato macnaheedu waxa weeyaan waxaa kaa maqan dulqaad

maadaama aad u mad dhan aad xukumayso laga waayi maayo cid dhib kuu gaysata.

d) hogaamiyuhu waa inuu noqdaa qof degan oo deg deg badnayn go’aamada markuu qaadanayo si degan inuu u qaato inaanu markiiba guusha aanu is odhan si deg dega u hel guushuna waqti bay qaadataa. Lasoco qaybtii 4aad…………….

abdirahmaan haaji osman <abdirahmaanho@hotmail.com

COMMENTS
LINKS