Xisbiga WADDANI Ololihii Ma Wuxuu Noqday Burburinta Midnimada Beesh Barriga BURCO by Axmed Cabdi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga WADDANI Ololihii Ma Wuxuu Noqday Burburinta Midnimada Beesh Barriga BURCO by Axmed Cabdi.
November 1, 2016 - Written by Editor:

Xisbi Mucaarad ah oo dowlada ku mucaarad ah baa la arki jiree waligay maan arkin xisbi mucaarad ku ah reer oo leh maxay beel heblaayo isagu duuban tahay balse maantaba arkay .

Waa ayaandaro weyn in Xisbigii WADDANI Siyaasad ka dhigto burburinta iyo kala jajabinta beelaha Habarjeclo oo midnimada u ah danahooda balse la dagaalanka madaxda dhaqanka ee Habarjeclo.

Waxaan la yaabay in Xisbiga WADDANI iyo Musdambeedkiisa  ay dagaal beelaysan la galaan salaadiinta beesha Habarjeclo markii ay  dhawaan madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed maxamud.

Hogaamiye Xirsi oo loo magacaabay xil culus hadana kamaanu filayn inuu weerar burburin ah kusoo qaadi doono madaxdhaqameedka beeshiisa balse waxaa uga fiicnayd inuu meeshaasi cadaawada iyo xiqdigu buuxiyay iskagaga tago maadaama ay ka bilaabeen meel aan  dani ugu jirin beeshiisa.

 

 

Axmed Cabdi Cali

 

Burco -Somaliland

COMMENTS
LINKS