Xasan Gadhwayne Wali Ma Wuxuu Ururinayaa Magtii (Jihaad) . Gowraca Jamaalse Maka Dhamaystiridoonaa.? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasan Gadhwayne Wali Ma Wuxuu Ururinayaa Magtii (Jihaad) . Gowraca Jamaalse Maka Dhamaystiridoonaa.?
November 17, 2016 - Written by Editor:

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada  Xasan Gadhwayne  Ayaa Maalmihii Udanbaysay Uu ku hawlaan sidii uu magaca beesha ciise muuse uga dhigan lahaa food saare uu taageero ugu raadso xisbiga kulmiye iy qasriga madaxtooyada kaasi oo dhowr jeerna ay ka fashilantay sadqaynta murashaxa xisbiga ucid oo uu ku talo jiray in uu ka dhigo taageero xisbiga kulmiye ah balse dhamaan isku dayadani u may fuli sidii uu qorsheeyay oday xasan

gadhawyne

Waxay dhacdadan xasan gadhwayne bilaabay xusuusisay  reer saaxil 1984 markii ciidamadii SNM JIdka udhexeeya sheikh iyo berbera ku dileen midkamida dhagar qabayaashii  hormuudka u ahaa ciidamadii Siyaad bare u igmaday dabar goynta  dadka deegaanadaa ku nool kuwaasi oo ay habeen iyo dharaar ku  hadidi jireen jidka.habada saraalka halkaasi lagu dilay ayaa lagu  magacaabi jiray (JIHAAD) xiligaasi oo ay dawladii siyaad bare xoog iyo cago juglay ku bilowday dadka kunool gobolka saaxil  kuna kordhisay dilkii iyo dhacdii ay horeba uwaday ayaa waxaa reer saxil siyaad bare kaga darnaaday XASAN GADHWAYNE OO XILIGAA KU WAR GALIYAY IN LAGA DOONAYO MAGTII JIHAAD BEESHA UU KASOO JEEDO.isagoo ku xidhiidhiyay ciimadii jihaad dilay in uu gadhwadeen ka ahaa Muj DHAGA WAYNE  Balse waxay dhacdadaasi ka yaabisay badi wax garadkii reer saaxil waxayna ku abuurtay  fajiciso waxkasta oo xiligaa wax kala garanayay,

Waxay dhacdadani hada mar labaad hor timid reer saaxil oo xiligan  oday xasan gadhwayne ka dhex bilaabay  qorshe wanjal iyo fariimo kale xambaarsan  32sano kadib taasi oo badi aqoonyahan iyo waxgaradku ku sifeeyeen in wali xasan gadhwayne aanay ka dhamaan ururinta magtii jihad,

Waxay su,aasha ay dadku dib isku waydiiyeen tahay XASAN GADHWAYNE WALI MA MAGTII JIHAAD AYUU URURINAYAA GOORMAYSE AYAY KA DHAMAANAYSAA ? GOWRACA JAMAAL MA NOQONDOONAA MID KAGA FILNAADA BAAQIQII KU HADHSANAAYAA .

 

WAXAAN REER SAAXIL LEEYAHAY MASIIRKA SHACABKA REER SAAXIL NOQON MAAYO MID AY KU MALAFSADAAN SHAQSIYAADKA KU SIFOOBAY DHACDOOYINKAA.

 

QALINKII; FARXAN MAXAMED BARKHAD

GERMANY .

 

 

COMMENTS
LINKS