WERIYE QAAMUUS OO SADEX CISHO KU AFDUUBAN SALDHIGA GABILEY ILAA HADANA CIDI KA HADAL XADHIGIISA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WERIYE QAAMUUS OO SADEX CISHO KU AFDUUBAN SALDHIGA GABILEY ILAA HADANA CIDI KA HADAL XADHIGIISA
November 24, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews) Abwaan Cabdi kariim Muxumed Cadde(qaamuus) ahna weriye ka hawlgala magaalada Gabiley, ayaa maalinkii sadexaad sifo sharci daro ah ugu xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Gabilay, iyada oo aan wali lahorgayn wax garsoor ah sida uu noo sheegayna aanu garanayn wax danbi ah oo uu galay  waxaana isaga oo maxbuus ah uu u waramay dagalkan wararka ee Wajaalenews waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “waxa igu helay magaaladii aan ku dhashay ee aan ka shaqaynayay waxaanan waligay xataa ku maqal taariikhda abaaro 9:0 barqonimo maalintii arbaca 22/11/2016 anigoo hurda qolka 104 ee hotel gobaad ee aan ka deganahay magaalada gabiley ayaa anigoo hurda waxaan ku toosey dhawaqa xoogan iyo raga soo jebiyey albaabkii qolkayga kadibna sariirta ayaan ka boodey mise waa danbibaadhihii saldhiga gabiley siciid afmadow iyo askar uu wato aanan garanayn mise haraaati iyo jug ayaa la igala daalay katiinadna waa la igu jebiyey waxaana la igu tuurey gaadhi nooha ah oo uu leeyahay danbi baadhaha saldhiga gabiley siciid afmadow waxaana sidii la ii soo waday la igu tuurey qol aanan u qalmin oo kaadi iyo saxaro ka buuxdo waxaa la ii diidey xataa inaan hadlo in la ii sheego waxaan sameeyee waxaan maalintii sadexaad ku ahay saldhiga gabiley qolkii kaadida iyo saxaradu ka buuxday mana garanyo waxaan sameeyey oo waan hurdey ilaa maantana ma jirto cid ila hadal iga gurtay haday haday noqoto booliska iyo hayadaha garsoorka bulshadii gabiley iyo saxaafadii aan ka tirsanaana way yaaban yihiin waxayna ii maleeyeen in aan aragagixiso u xidhanahay hadaba waxaan xukuumada somaliland , xeeer ilaalinta guud ,hayadaha xuquuqul iinsaanka , maamulka gabiley, ka codsanayaa bal in garsoorka la i horgeeyo oo la ii sheego faldanbiyeedka aan galay mise hurdada ayaa somaliland danbi ah.
Amakaaga igu dhacay ma jirto cid ilaa hada ka hadashay kiiska aan galay haday noqoto maamulkii gabiley ,xukuumada dhexe,saxaafadii aan ka tirsanaa,iyo bulshadii aan la noolaa
Waxaan ahay maxbuus ciilan oon garanayn ciduu u xidhan yahay cidna ayna umaqnayn ee waxaan codsi u diranayaa ilaahay in hadii umadii iyo dawladii aan hoos joogey ka hadli weydey xaqdarada intaa leeg inuu na kala xukumo waxaanan isweydiinayaa talow ma hurdada ayaa somaliland danbi ah aaway xuquudeydii qofnimo ma anigaa sharciga khilaafay mise waa la igu xadgudbay mise argagixaan u xidhanahy?”
Si kastaba ha ahaatee taliyayaasha rugaha booliska ayaa inta badan tacadiyo u gaysta dadka shacabka ah taas oo ay inta badan keento aqoon la,aan dhinaca booliska ah iyaga oo aan garanayn xuquuqda ay siisay shaqada loo igmaday  qofka shacabka ah waloow ay taasi dheer tahay dano shaqsiyadeed oo inta badan ku gadaaman taliyayaasha huwan shaadhka amniga ee booliska.

COMMENTS
LINKS