Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hawada Oo Maanta Golaha Wakiiladu Ansixiyeen Iyo Weedhihii Uu Madasha Ka jeediyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hawada Oo Maanta Golaha Wakiiladu Ansixiyeen Iyo Weedhihii Uu Madasha Ka jeediyay
November 19, 2016 - Written by Editor:

“sharaf ayey ii tahay maanta, markii 1aad aniga oo Wasiir Qarankan J/Soamliland u shaqeeya hor imaado Golaha Wakiilada J/S/Land.” Wasiirka Duulista

Hargaysa 19 11 2016 (W,N  ) Fadhi ay yeesheen maanta Golaha Wakiilada ee Somaliland ayey cod Aqlibiyad ah ku ansixiyeen Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, fadhigan oo uu Gudoominayey, Gudoomiyaha 1aad ee Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), waxaa fadhiyey 50 Xildhibaan oo dhamaantood u codeeyay haa Wasiirka cid diiday may jirin cid ka aamustayna may jirin Gudoomiyuhuna muu codayan, fadhigan ayaa sidoo kale lagu ansixiyey, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir kuxigeenka Cadaalada, iyo Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada.

wasiirka duulista

Ansixinta ka ayaa Wasiir Farxaan waxa uu qudbad kooban ka jeediyey Gole weynaha hortiisa, isaga oo hadlkiisa ku bilaabay:- “sharaf ayey ii tahay maanta, markii 1aad aniga oo Wasiir Qarankan J/Soamliland u shaqeeya  hor imaado Golaha Wakiilada J/S/Land, si ay u ansixiyaan una xalaaleyan masuuliyada uu ii igmaday Madaxweynaha J/S/Land, waxa Madxweynuhu ii Magcaabay Wasiirka Wasaarada Duulsta Hawada iyo Gaadiidka Cirka, runtii waa Wasaaradaha ugu balaadhan ama ugu miisaanka weyan Wasaaradaha Qaranka Jamuhuuriyada Somalialnd, Wasaaradu waxa ay u xilsaarantahay waxa weeye, ilaalinta iyo adeegsiinta, ama ka shaqaysiinta Gaadiidka Cirka ee Diyaaradaha iyo Madaarada ay yimaadan.”

Wasiirku isaga oo sii faahfahinaaya shaqada Wasaarada ayaa waxa uu yidhi:- “ iyo dabcan qay aan shaqayan oo imika Dawladu ka shaqaysay oo ah qaybta saadasha hawada, oo qaybka ah in ay iyaduna adeeg gaar ah bixiso, Wasaaradu waxa ay maamushaa oo imika hoos yimaada Todoba Madaar, oo Dalkani uu leeyahay , oo ilaa hada ay tirade shaqaysaa yarad oo ay ku koobnayad oo kal ah Madaarka Hargaysa, laakiin mudada yare e kooban ee aan joogay waxaa noo suuro gashay in aanu ka shaqaysiino Madaarka Laascaanood iyo Madaarka Berbera oo imika si joogto ah u shaqeeya oo hawlihiisa adeeg ay si fiican u socdaan,

duulista

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- Shaqaalaha Wasaaradu 324 ha u badnaadaan Madaarka Hargaysa oo adeega inta badan bixiya, dabcan Wasaaradu shaqada ugu badan ee ay qabataa waxa weeye Adeeg bixin iyo Amaan ilaalin, in ay  ilaaliiso Diyaaradaha imanaya iyo rakaabka ay sidaan badbaadadooda, iyo in ay  ilaalso Madaarada Amaankooda, hawshaasina si fiican ayey noogu socotaa,

Wasiirku waxa uu sheegay in uu qurshe u dajiyey Wasaarada markii uu yimi, sidoo kalena waxa uu sheegay in Qaranka si hufan oo daacadnimo ah ugu shaqayan doono, isaga oo arimahaas ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:- Himilo iyo qorshena waa noo yaalaa markii aan Wasaarada imi aan dajiyey, aniga oo ka faaiidaysanaaya wixi xog ahaa ee aan ugu imi iyo halka ay maraysay, si aanu u gaadhsiino Himilada Qaranku leeyahay oo ku xidhan aragtida iyo dadaalka Xukuumada Dalka gacanta ku haysa, Bi’idmilahaahi Tacaala waxaanu rajaynaynaa oo aan u balanqaadayaa Shacbiga J/S/Land , iyo Xildhibaanada ka wakiilka ah Qaranka J/S/Land  iyo Xukuumada uu Hormuudka ka yahay Madaxweynuhu in aanu si hufnaan ah, daacad ah oo waliba dadaal iyo juhdi aanu galino ugu shaqayandoono.”

COMMENTS
LINKS