|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Ceelal Biyood laga Hirgaliyay Degmada Magaalo Cad oo ka Tirsan Gobolka Awdal
November 11, 2016 - Written by Editor:Boorama(W,N )Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Jamhuuriyada Somaliland Bashe Cali Jaamac Oo Uu Weheliyo Ku Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaaradasi Maxamed Faarax Cabdi Ayaa Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Cusub Oo Loogu Talo Galay Inay Ka Faaidaystaan Dadka Ku Dhaqan Degmada Magaalo Cad Oo Ka Tirsan Gobolka Awdal. Ugu Horayna Ceel Biyoodkan Cusub Ee Laga Hirgaliyay Degmada Magaalo Cad Ayaa Waxa Ka Warbixiyay Axmed Cabdi Gaas Oo Kasocday Islamic Relief Iyo Maxamed Amiin Al-Haadi Oo Kasocday Islamic Develop Bank (IDB) Oo Iyagu Iska Kashaday Hirgelinta Ceel Biyoodkan Cusub Waxanay Shegeen In Ujeedada Ay Ka Lahayeen Ceel Biyoodkan Cusub Uu Ahaa Inay Ka Faaidaytaan Dadka Iyo Dunyada Ku Dhaqan Degmadani Magaalo Cad Waxanay Xuseen In Ceelka Iyo Kuwa Kale Oo Ay Ka Wadaan Dalka Aanay Usuro Galeen Hadii Aanu Hiil Iyo Hooba La Garab Tagnayn. Wasiirka Wasarada Biyaha S/Land Oo Hadh Iyo Habeen Dadaal Ugu Jira Sidii Dhamaan Umada Ku Dhaqan Somaliland Ay Biyo Ku Filan U Helilahayeen. Dhanka Kale Waxaa Uu Wasiirku Soo Indha Indheeyay Mashruuca Biyo Galinta Wajaale Oo Uu Soo Eegay Halka Uu Marayo Taangi Biyoodka Dhiskiisu Socdo.
WAJAALENEWS DESK TOGWAJAALE OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|