|
|||||
WAJAALE NEWS
War-saxaafadeed ;Go’aanka Xisbiga KULMIYE ee Mudada Abaartu jirto!!
November 10, 2016 - Written by Editor:Guud ahaan waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan salaamayaa taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga KULMIYE, waxaan u ducaynayaa dhamaan xoola dhaqatada iyo deegaamada abaartu hayso ee goballada bariga Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaannan Ilaahay ka barayayaa inuu abaarta innaga ka jebiyo oo raxmaad caam ah ina siiyo. Intaa kadib, waxaan shacabka iyo taageerayaasha KULMIYE la socodsiinayaa:
Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE go’aansaday joojinta xafladihii waawaynaa ee lagu muujinayey taageerada xisbiga iyo munaasabadaha kale ee xisbigu ku qabsan lahaa huteellada iyo fagaarayaasha magaalooyinka muddada lagu jiro gurmadka abaarta. Keliya kulamada, shirarka iyo munaasibadaha xisbigu waxay ku ekaan doonaan xayn-daabka iyo qolalka shirarka ee xafiisyada xisbiga. Waxa dhammaan xafiisyada gobollada iyo degmooyinka iyo laamaha dibadda lagu wargelinayaa inay si buuxda u fuliyaan, una dhaqangaliyaan go’aankan. Waxaan mar labaad Ilaahay ka baryayaa inuu abaarta innaga jebiyo oo deeqdiisa ballaadhan uu innaga waraabiyo.
ALLAA MAHAD LEH. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ___________________________ Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Email: kulmiyemanager@gmail.com Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677, Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.
Related posts:DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Xarumo Waxbarasho Oo laga Hirgalinayo Xaafada Cu... DAAWO;-ODay Maxamed Xasan Dalab Iyo Xubno kale Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeedhay Agaasim... Xilldhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Ugu Baaqay In Ay Maayar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|