War Naxdin Leh:Shil Gaadhi Oo Sobobay Khasaare Nafeed Oo Saaka Waabirigii Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Kalabaydh Iyo Gabilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Naxdin Leh:Shil Gaadhi Oo Sobobay Khasaare Nafeed Oo Saaka Waabirigii Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Kalabaydh Iyo Gabilay
November 17, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Nov.17,2016-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in shil gaadhi oo aad u naxdin badan uu ka dhacay jidka way nee isku xidha magaalooyinka Gabiley iyo Borama.

Shilkan ayaa ahaa isku dhaca laba gaadhi,waxaana shilkani uu ka dhacay sida la sheegay meel u dhaw magaalada kala Baydh ee gobolka Gabiley.

Labadan gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gawaadhida loo yaqaano NOAH iyo Marki,kuwaasi oo ahaa gawaadhida qaadka qaadda.

Waxaaan shilkan  ka dhashay dhimashada laba ruux,kuwaasi oo ahaa darawaliintii kala waday labadan gaadhi ee isku dhacay.

Labadan marxuun ee shilka ku geeriyooday ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Mustafe Muxumed Nuur(gees) iyo Cabdiraxiim Cagaf.

COMMENTS
LINKS