War-Degdega:Rabshado Sababay Khasaare Oo Galabta Ka Dhacay Garoonka Stadium ee Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Degdega:Rabshado Sababay Khasaare Oo Galabta Ka Dhacay Garoonka Stadium ee Magaalada Hargaysa
November 7, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Wararka nagasoo gaadhaya garoonka wayn ee Stadiumka ayaa sheegaya in ciyaartii galabta ay ka dhalatay rabshado isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo wararku intaas ku darayaan dhimashada laba ruux iyo tiro intaa ka badan oo dhaawac ah kadib markii ay isku dhaceen shacab gadoodsan iyo ciidamada nabadgalyada,xaalada oo cakiran awgeed ayaan warar intaas ka faahfaahsan la heli Karin.

Rabshadahan ayaa ka dhashay ciyaar adag oo galabta dhexmartay xulalka hawd iyo D.madheedh halkaas oo guushu ku raacday xulka daadmadheedh oo keensaday 2 gool iyo gobolka hawd oo keensaday 1 gool

Wajaalenews

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS