|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Musharaxa Trump Oo Ku Guulaystay Madaxtinimada Dalka Mareykanka.
November 9, 2016 - Written by Wariye:
Trump ayaa xilka kala wareegi doono madaxweyne Obama kaddib markii uu Hillary Clinton uga guuleystay 276 cod. Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah. Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa. Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin. Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay. Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee “senetka”. Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York. Waa cannugii afaraad ee qoyska aabihii oo ahaa maal qabeen ka guryaha. Inkastoo ganacsiga Trump uu ballaartay, haddana waxaa jirtay in mararka qaar uu musallifay. Trump ayaa dhawr jeer ballan qaaday in uu darbi ku kala xiri doono xudduudda Mareykanka iyo Mexico isla markaana uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Mareykanka. Source BBC Hargeisa Office Related posts:“Hadalkan Wasiirka Oo Dabcan Ah Hadalkii Madaxwaynihiisa, Marka La Eego Waxa La Odhan, Farmaajo Waa ... “Ma Jirto Cid Guulaysatay, Hargaysa Stadiumna Noqon Maayo Tukaraq” Maamulka Xulka Gobolka Hawd. Daawo Wacadarihii Uu Mo Farah Ka Dhigay Ciyaartii Orodka Ee Ka Dhacday Dalka Ruushka Iyo Guushii Uu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|