Ururka Qareenada Somaliland Oo Shirar Gooni Gooniya Iskugu Yimid Iyo Sidii ay Go,aan Uga Qaadan lahaayeen Dhacdadii Sharci Darada Ahayd Ee Shalay Lagu Xukumay Afar Qareen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Somaliland Oo Shirar Gooni Gooniya Iskugu Yimid Iyo Sidii ay Go,aan Uga Qaadan lahaayeen Dhacdadii Sharci Darada Ahayd Ee Shalay Lagu Xukumay Afar Qareen.
November 8, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Ururka qareenada somaliland ee solla  ayaa ku jira shirar isdaba jooga    oo ay kaga baaran dagayaan talaabadii  ay  ka qaadi lahaayeen     xadhiga  lagula kacay qareeno ka mida  bahda solla  oo ay shalay maxkamada gobolka hargiesa   kula kacday xadhig  aan waafaqsanay  sharciga.    Ka dibna maxkamadu ku xukuntay halsano  iyo  lacag ganaaxa .

shirar 2

Masuuliyiinta ururka solla  iyo xubnaha ururka  ayaa  shirar aan caadi ahay ku lahaa xafiiskooda   kagana arinsanayaa  xaaladaha ku soo kor dhay  maxkamadaha  iyo talaabooyinkan  lagula kacay  qareenadii difaaacayey  eedaysanayaasha  .   taasi oo ay u arkaan   arin khalad ku ah  garyaqaanada gudanayey waa  jibkooda shaqo .

Hadaba ururka qareenada oo shalay si wayn u canbaareeyey xadhiga lagula kacay qareenada  ururka solla   kuna sheegay in ay tahay sharci daro  xadhiga  qareenadu iyadoo xadhiga ama xukunka noocaasi aanu meelna kaga oolin sharciga wadanka u yaala iyadoo wali la sugayo go,aanada ka soo baxaya shirarkaa isdaba joogaa .

shirar

Sidan wararka ku helayno  ururka solla oo markii ay ka soo baxeen shir u socday  mudo dheer  markii shirkaasi u dhamaadayna     u soo anbabaxay dhinaca maxkamada sare iyaga oo    socod ku tagay maxkamada sare   si ay u la kulmaan Gudoomiyaha maxkamada sare Adan X Cali  oo ay  la balan sanaayeen, laakiin wararka  madaxbanan ee aan helaynaa waxay sheegayaan  in uu Gudoomiyuhu   ka maqnaa Xafiiskiisa.     Siday sheegayaan xogahaa aan helnay   xubnaha ururka oo aad ubadnaa ayaa yimiday maxkamada sare  iyaga oo lugaynaya   kuna cabirayaan in ay arintan lagula kacay  qareenada aad ugu xun yihiin   tahayna wax xumayn kara wada shaqaynta  maxkamadaha  iyo qareenada  somaliland  halisna  galinkaro   kal soonidii lagu qabay   cadaalada jamhuuriyada somaliland. Una baahan in laga wada shaqeeyo  is fahamka iyo wada shaqaynta

COMMENTS
LINKS