Uma Baahni In Aan Is Kaa Baro: Soomaalida Caanka Ah Iyo Qurbaha By Abdirasak Salah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Uma Baahni In Aan Is Kaa Baro: Soomaalida Caanka Ah Iyo Qurbaha By Abdirasak Salah
November 12, 2016 - Written by Editor:

Nin Hindi ah oo aanu aad u saaxiibnay ayaa i waydiiyay “Waar niyow ninkii Saaxiibkaa [C/rashiid] baryahan maan arage, xagguu ka dhacay?”

Markaasaan ku idhi “Ma Ambasadoorkii?”

Waan ogaa in aanu ogayn in uu Ambassador yahay iyo inkale. Laakiin xeerka halkan aan ku bartay baa ah, Haddii uu qofku magac in uun leeyahay, in aanu adeegsan. Hadii kale Hindidu, xillka aanu imika hayninba ayay qofka ku ku fantaanba (Oo waxay ku odhanayaan ‘Ma adoo Wasiir ah baad qiime dhimis doonaysaa, sida in badan dhacda”.

C/rashiid Duulane Rafle, waa Madaxwaynihii hore ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia, sanadihii labadda kun horaantoodii. Waxa uu muddo toban sanno ku dhaw ahaa, Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya, dalka Japan. Isla markaana muddo koobanna ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska. Waa mid ka mid ah ragga dublamaasiyadda heerka ugu saraysa ka gaadhay Soomaalida.

Wuu yaabay! Waxaan u raaciyay “Oo waliba shantii Soomaali ay ahaan jirtay, buu midkood Madaxwayne ka ahaa” Markale ayuu yaabay. Markaasuu intuu indhaha yar yareeyay, uu yidhi “waar hadda Ninkii Timaha caddaa baan sheegayaa” “Haa isaga qudhiisa” ayaan ku idhi, intaan tusay sawir aanu wada galnay si uu u sii xaqiiqsado.

Intuu dib u baxay sidii nin yaabban ayuu yidhi “He Was a simple man, he was a even humble man” ‘Nin caadiya, oo waliba naxariis badan buu ahaaye’.

Inkasta oo aanan jeclaysan in aan u sheego, in ay madaxdayadu dhulkan caafimaad u yimaadaan, haddana waxaan ku idhi “Rag badan oo caan ah, ayaa halkan iska kaa hor mar mara!”

Intuu qoslay ayuu yidhi “Oo waxaan ku waydiiyay, Soomaalidu ma wada caynkaas baa aan qabka iyo isla waynida annaga madaxdayada dishootay aanu ugu jirin”

Dabadeed sheekoba sheekay keentaaye, wuxuu iiga sheekeeyey sheeko ku qabsatay xili uu Dubai ka shaqayn jiray.

Wuxuu yidhi;
“Waxaan ka shaqayn jiray Taj Hotel — Mid ka mid ah Hudheelada shan-xiddigoodlayaasha ee Dubai ku yaala. Pharmacy halkaa ku yaal ayaan ka hawl gali jiray.

Waxaa ku dhawaad maalin walba ii iman jiray nin oday ah, oo ilaa toddobaatan jir ah. Nin dheer oo xoogaa soo gotay buu ahaa, oo madaw isla markaana timo jilicsan oo xoogaa ciro ahina ku milan tahay. Hudheelka ayuu deggenaa. waxa uu xidhan jiray Surwaal Noocan Sportiga ah iyo Garan. Waxaa maalin walba la socoday laba wiil oo dhalin yar ah, oo inkasta oo aanay muuqaal ahaan wiilashiisii iila eekayn, haddana aan is idhi waa ehelkiisii. Daawooyin iyo alaabo xagga caafimaadka la xidhiidha ayuu iibsan jiray.
Wuxuu ahaa nin uu ad-adayg ku yar jiro, oo haddii aad waxa uu doonaya, wax in yar ka duwan aad u dhiibto, si adag kuugu jawaabaya. Waxaan is waydiiyay, ‘Toloow Ninku Nin lacag leh miyaa’.

Maalin dambe, aniga iyo qolo aanu wada shaqyno oo iridka wayn ee dhismaha ka soo galayna, ayaa waxaanu ku aragnay barxadda Hudheelka, baabuur kolonyo ah oo safan, oo calankii Soomaaliya qaarkood ka babanayo. Mid ka mid ah baabuurtii ayaaba albaabkiisii laga qabtay si uu u galo, ninkii odayga ahaa ee macmiilka ii ahaa.Isaga oo sanka taagaya ayuu daaqaddii dambe galay, mise sidii madaxda ayaaba loo galbiyay. Cabbaar ayaan sii dhawray. Qoladii ila socotay, iyo kuwii shaqaalaha ahaa ee meesha joogay ayaan toyday.

Kuye “Waa Madaxwaynihii Soomaaliya!” Waxa meesha marayaa. Intaan u qaadan waayay, ayaan raggii ka dhaadhicin kari waayay in uu Macmiilkayga yahay!”

Halkaa markuu marayo ayaan ‘ii joog’ ku idhi. Taariikhda ayaan waydiiyay. Wuxuu ii sheegay in ay 2006-dii aakhirkeedii ama 2007-awalkeedii midkood ahay. Waxaan markiiba aqoonsaday in ninka meesha maray uu ahaa C/laahi Yuusuf Axmed (AHUN).

Maalin dambe ayuu igu soo noqday. Markaasaan sidii uu iiga bartay si ka duwan aan yeelay. Intaan sare joogsaday ayaan ku idhi “Yes Mr President” Waa uu yar Dhoolocaddeeyey. Markaasaan waydiiyay, aniga oo wiilashii la socday su’aasha ula dan leh “Maxaad iigu sheegi waydeen in uu madax waynihii yahay” Markaasuu isagii ka boobay oo yidhi “Uma baahniba in aan kuu sheego!”

 

Abdirasak Salah

 

Contact:

Abdirasaksalah@gmail.com     

+917093187448

+252634466677

Hyderabad, India

 

COMMENTS
LINKS