Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaaga ah Oo Mudo kordhinta Dani Ugu Wada Jirto. FAALO! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaaga ah Oo Mudo kordhinta Dani Ugu Wada Jirto. FAALO!
November 5, 2016 - Written by Editor:

Waxka Baro; Habka Farshaxanka Ah Ee Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudoomiye Saleebaan Dabarka Adag Ugu Xidheen Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land Uguna Badaleen  Mudo Kordhinta Una Dheeli Tireen Dawlada Wadaag Ah Oo Dan Walba Wadaagta .!!

Ugu horayn waxaa muuqata Dabarka adag ee lagu xidhay Doorashooyinka iyo Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land ee sabobta u noqonaya Mugdiga hadheeyay Mustaqbalkii S/land oo aan la garanayn sida looga baxayo iyo halka uu ku dhamaan doono iyo Goorta uu dhamaanayo iyadoo waqtigan S/land ay ka jirto Dawlad Wadaaga ah oo hab farshaxana la iskugu dheeli tiray oo mudo kordhinta kawada dhex muuqata  iyadoo meesha laga saaray Hanaankii Doorashooyinka iyo Awoodii Xisbiyada Siyaasada S/land waxaana Bulshada S/land lagu jaho wareeriyay Dabaal dagyo Xisbiyeed iyo Siyaasad Durbaano loo tumayo oo aan la garanayn, Tartanka Siyaasadeed ee loo Dabaaldagayaa goorta uu dhacayo iyadoo Siyaasiyiinta Saaxada Siyaasada Safka hore kaga jiraa aanay garanayn waqtiga ay qabsoomayso Doorashada Madaxwaynuhu iyo Doorashada Baarlamaanka S/land oo Golaha Guurtidu yahay Golaha Labaatan jirsaday iyo Golaha Wakiilada oo sugaya in markii Afraad loo kordhiyo halka Madaxwayne Siiraanyo sugayo in markii Labaad loo kordhiyo.

Habka farshaxanka ah ee Dawlada Wadaaga ah ee S/land imika ka talisaa iskugu dheeli tiran tahay ayaa ah mid ay dani ugu wada jirto dhamaan Siyaasiyiinta ku tartamaya Saaxada Siyaasada Mucaarad iyo Muxaafidba iyadoo hadii mudo kordhin dheer iyo mid gaabanba ay ka wada dhex muuqdaan Siyaasiyiintii ku Tartamayay hogaaminta dalka ee Xisbiyada u samaystay bal hada aynu dull joogsanno Shaxda Dawlada Wadaaga ah ee S/land Waqtiga ka talisa .

madaxda

Madaxwayne Siiraanyo waa Masuulka ugu sareeya Dalka S/land waana Gudoomiyaha Golaha Xukuumada ama Golaha Wasiirada Halka Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka S/land ama Guurtida Saleebaan uu yahay Masuulka Labaad ee talada Dalku gacantiisa ku jirto Labada Masuul oo  Dawlada Wadaaga ah hogaamiya  ayaa Go”aanka Ficilkooda ka muuqda iyo hadalka ay Bulshada u gudbiyaan ay yihiin Laba aad u kala fog  .

Waxaana hubaala in dalabka soo jeedinta Mudo kordhintu ee ugu horeeya ay ka timaado Madaxwayne Siiraanyo halka Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ama Guurtidu uu yahay Gudoomiye Saleemaan uu yahay Hogaamiyaha Golihiisu qalinka ku duugaya mudo kordhinta loo samaynayo Golayaasha Qaranka .

Hadaba Mudo kordhinta loo sameeyo Madaxwayne Siiraanyo waxaa ku lamaan Murashaxa Madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Saylici oo Kursigii iyo Xillkii uu u sharaxnaa sii haya waxaanu Talo la leeyahay Murashaxa MadaxwaynAha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi hadii ay is Khilaafaana waa guul darada Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj  Muuse Biixi waxaana hubaala in Mudo kordhinta Ra”ayi  ka wada yeelanayaan Labada  Murashax ee doorashada Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye u Sharaxan.

Mar kale Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi  waxaa laga dulqaaday Culays Siyaasadeed oo Muddo Shann Sanno ah haystay  iyo Wasiiro la barbar eryayay oo saamayn balaadhan ku lahaa hankiisa Siyaasadeed Maanta Muj Muuse Biixi Cabdi waa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye waxaanu Waqtigan dareemayaa in uu gaadhay guulo Siyaasadeed waxaanu had jeer ka mid yahay Waftiyada Madaxwaynaha u raaca Safarada Dibada isla markaana Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muj Muuse waa Masuulka u sareeya ay kana danbeeyaan talona  ku leh Magacaabista iyo Xillka qaadista dhamaan Masuuliyiinta Qasriga Madaxwayne Siiraanyo ka hawl gasha ee Beesha Habar Awall marka laga reebo Wasiirka Maaliyada Samsam  Cabdi Aadan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire oo iyagu ka mid ah Golaha Sare ee Dawlada Wadaaga ah .

Mar kale Xisbiga Wadani waxuu ka mid yahay Dawlada Wadaaga ah mar hadii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani  ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land uu la wadaago hadii Mudo kordhin Dheer iyo mid Gaabanba la sameeyo Madaxwayne Siiraanyo iyo Golayaasha Qarankan mudo dhaafay isagoo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo la wadaago Awooda Qaranka ee Kursiga uu ku fadhiyo iyo Dano Dhaqaale iyo Dano badan oo ka qarsoon Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani  iyadoo Mudo kasta oo loo kordhiyo Xukuumada Siiraanyo ay C/raxmaan Cirro u kordhayso in uu Madaxwayne Siiraanyo la sii Wadaago Danahaa Dhaqaale iyo Balan qaadyada Qarsoon ee aan la garanayn in ay rumoobi doonaan  iyadoo Dawlada Wadaaga ah loo Wanqalay Maalintii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani uu u doortay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Xirsi Cali X Xasan dhacdadan oo meesha ka saartay in aanay jirin Fikir iyo Aragti ay ku kala duwan yihiin Xisbiyada Siyaasada S/land ee Wadani iyo Kulmiye .

Anigoo Qormada ku soo gunaanadaya  in Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo Jaho wareerka Siyaasadeed ee  Xisbiyada Siyaasada ay ku riday uu sabobay in Caqliga iyo Fahankaba ka dabranaadaan  Siyaasiyiinta Xisbiyada Siyaasada ku jira ee Dadwaynahu moodayaan  in ay ku loolamayaan Siyaasad ay jaan goynteeda leeyihiin ama ay garanayaan meesha ay ku dhamaanayso iyo Waqtiga Garoonka tartanka ay iskugu imanayaan Xisbiyada Siyaasada iyo Murashaxiintoodu  .

La Soco Qormooyinka Danbe  Ee Dawlada Wadaaga ah Oo Aan Ku Falanqayn Doono Jaho Wareerka Ay Ku Jiraan  Siyaasiyiinta Saaxada  Xisbiyada Siyaasada Safka Hore Ka Kala Taageersan Iyo Golaha Guurtida Oo Noqonaya Aqalka Baabiiyay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land Meeshana Ka Saaray Isku Dheeli Tirnaantii Golayaas ha Qaranka S/land .

 

WAJAALENE STAFF

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS