|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaaar Ka Mid ah Shaqaalihii Ka Hawlgali Jiray Tvga Star Oo Ka Dareeray Iyo Sobobta Keentay
November 3, 2016 - Written by Editor:Hargeysa (wajaalenews)—–Tv-gii Star ayaa qarka u saaran in in gebi ahaanba Al-baabada loo xidho,ka dib markii ay gebi ahaanba ka dareereen shaqalihii ka shaqaynayey ,kuwaas oo uga yaacay Tv-ga Mushahar la’aan iyo iyagoo lagu khasbay in ay Af-ka Xukuumadda KULMIYE ku haddlaan,isa markaana aanay siiday wararka Xisbiyada mucaaradka ah iyo wax kasta oo lidi ku ah Xukuumadda KULMIYE. Shaqaalahan cawaa ka dareeray Tv-ga Star ayaa ay tiradoodu dhan tahay 8,waxaana xusid in ay bishii dhamaatay hadda horaanteediina ay ka darreen hal-doorkii weriyaasha iyo mishiinadii dhaqaajinayey Tv-ga Star,kuwaas oo iyana u adkaysan waayey cadaadis iyo dulmiga ka taagan Tv-gaas,waxaana xusid mudan in dhaqaalaha yar ee meesha soo gala uu jeebka ku shubanayo mulkiilaha Tv-ga Star ,iyadoo aanu wax-ba ka siinayna shaqaalaha xataa mushahar-kooda iyo wixii ay xaq u leeyihiin.Qaar Kamid Ah Sawirrada Shaqaalaha Caawa Ka Yaacay Tv-ga Star Dhanka kale Tv-ga Star oo horay u ahaa Tv-madax banaan ayaa mar-qudha isku bedelay Tv-ku haddla afka xukuumadda KULMIYE. isla markaana baahiya wararka xukumadda KULMIYE u yeedhiso,waxaanu gebi ahaanba hakiyey wararka xisbiyada mucaaradka ah kuwooda ku lidiga ah Xukuumadda KULMIYE ama ay isleeyihiin wey dhib-san doontaa, taas oo ku keentay Tv-gii Star hoos u dhac aad u weyn iyo in ay bulshadii ku xidhnay ka hayaanto, iyagoo ku dooda bulshadu inuu noqday Star Tv mid ka meeqaam hooseeya Tv-ga afka Xukuumadda KULMIYE ku haddla ee qaranka.
Sidoo kalena mulkilihii Tv-ga Star ayaa Xukuumadda KULMIYE jeebka ugu shubtay qarash ay ku laaluushtay,waxaanay la gashay heshiis hoose,isagoo la sheegay in uu bilkasta Xukuumadda KULMIYE siiso lacag tobon kun oo dollar kor u dhaafaysa,isla markaana waxa uu hadda kamid yahay guddida uu Muuse Biixi u xil saaray in ay soo qoraan Barmaamij Siyaasadeedka xisbiga gabalkiisu sii dhacayo ee KULMIYE ,waxaanu hadda ku fooganyahay mulkilihii Tv-ga Star qorista buugaasi.
Isku soo wadda duuboo Tv-ga Star ayaa umuuqda mid sii laalaabanaya oo albaabada loo xidhayo, iyadoo ay shaqalihii ka hawlgelayey ay ka haajireen dhamamaantood dalka iyo debada,waxaynu dhawr-naa duufaanada iyo dabayshu halka ay dhigto Tv-ga calaantiisu cadaatay ee Star. Source:Somalilandcitizen Related posts:Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyadaha SomaliLand Ee Yurub Oo Sheegay Inay Maxkamad Ku Taala Dalka Swed... Dalada Sonsaf Oo Hargaysa Ku Qabatay Kulan Lagaga Doodayo Caqabadaha Hortaagan Doorashada Golaha Wak... Gudidda Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo Soo Bandhigay 11 Mashruuc oo Tartan Loo Geli Doono COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|