Sawirkan Maan Garan Sababta looga Qayliyay? Ma cid Isu soo Noqoshada, Samaale iyo Muuse sharaysanaysa Baa Jirta!! Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sawirkan Maan Garan Sababta looga Qayliyay? Ma cid Isu soo Noqoshada, Samaale iyo Muuse sharaysanaysa Baa Jirta!! Cali Guray
November 19, 2016 - Written by Editor:

Sawirkan maan garan sababta looga qayliyay? Ma cid isu soo noqoshadooda, Samaale iyo Muuse sharaysanaya oo ka jeclayd inay col daahood go’ay noqdaan baa jirta? Inay heshiiyaan iyo inay coloobaan go’aanka iyaga ayuu gaar u yahay qofkii ku farxaya iyo kii ka naxaya isaga ayay u taalaa ee iyaga uma taalo. Xaaladda maantu siday tahay anigu ciddii heshiin kartaaba inay heshiiso oo sida ay u arkaan danta qaranka iyo danahooda gaarka ahba u midoobaan wanaag baan u arkaa ee xumaan uma arko. Xataa qabyaalad uma arko.

samaale iyo maanta safarkii 2

cali-guray

Dabcan Samaale laba ayuun buu mid yeeli lahaa: inu colkiisii Xirsi raaco iyo hadii uu ka soo hadhay inu sidan yeelo. Go’aankana isaga oo keliya ayaa lahaa hadii uu sidan danta u arkay cidna wax uma dhimin. Wanaag iyo xumaan qofka kale sida uu arkayaa waxay ku xidhan tahay dhinaca uu iska taago. Anigu dhinaca wanaaga ayaan iska taagay oo waan ku amaanayaa.

MUJAAHID CALI YUUSUF

COMMENTS
LINKS