|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Somaliya Danjire Olgan Bekar Oo Cadeeyey Ujeedada koowaad ee ay Dawladiisu ka Leedahay Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya
November 13, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Somaliya danjire Olgan Bekar ayaa cadeeyey ujeedada koowaad ee ay dawladiisu ka leedahay wada hadalada Somaliland iyo somaliya ee ay marti galinaysay tan iyo sanadkii 2013. Danjire Olgan oo waraysi ay la yeelatay idaacada VOA,wuxuu sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee turkigu ka leeyahay wada hadalada Somaliland iyo somaliya ay tahay soo celinta midnimadii burburtay ee somaliya “Anaga sidaad la socotaanba xalinta mushkiladaha Somaliland iyo somaliya waxaanu u maraynaa dariiqa wada hadalka,hadafkayagu waa hagaajinta wada jirka somaliya,sidaas daraadeed laga soo bilaabo 2013 ilaa hadda waxaanu martigalinaynay wada hadalada Somaliland iyo somaliya,wali mawduucaas shaqaddiisa waanu ku guda jirnaa,arrinta se nooga muhiimsan ayaa ah wada jirka iyo midnimada walaalaheena somaliyeed”sidaas ayuu yidhi safiirka oo la waydiiyay mawqifka dawlada turkiga ee qaddiyada Somaliland. Safiirka oo la waydiiyay sababta ay u hakadeen wada hadaladu waxa uu yidhi “Wada hadaladu muddo dheer ma qabsoomin taasi waa run sababta oo ah dhinaca somaliya waxa la galay doorashooyinka markaas dawlada somaliya waxay sheegtay inaanay munaasib ahayn in wada hadaladu furmaan iyadoo lagu jiro wakhti doorasho,Somaliland xataa way aqbashay,markaas madaama labada dhinacba raali ka wada yihiin wada hadalada waxaanu dib ugu dhignay doorashooyinka kadib,waana wax macquul ah waayo doorashooyinku ha dhacaan,xukuumadd cusub ha timaado kadibna aan wada hadalada waajahno iyadoo labada dhinac si wanaagsan usoo diyaar garoobay” Hadalkan safiirka ee cad ayaa ka hor imanaya qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland oo ay shacabka Somaliland go’aansadeen inay xoriyadooda soo celiyaan sanadkii 1991-kii. Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo wali wax jawaaba kama soo saarin hadalkan dawlada turkiga ,wuxuuse hadalka safiirku taageerayaa hadalada ay warbaahinta siiyaan madaxda somaliya oo uu u horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud oo sheega inay wada hadalada uga dan leeyihiin soo celinta midnimadii burburtay ee somaliya.
Related posts:Daawo:Jamaal Cali Xuseen Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Musharax Ciro Iyo Faysal Cali Waraabe Iyo Farri... “Ciidanka Ay Sida Guracan U Isticmaalayso Xukuumaddu Ha Joojiso Haddii ;Xoghayaha Guud ee Xusbiga Wa... Booliiska Hargeysa oo xidhay laba nin oo shalay dagaal gacan ka hadal ah ula tagay salaadiin Mushara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|