|
|||||
WAJAALE NEWS
Raxmaadka EEbe Oo Maanta Ka Curtay Degmada Alaybaday Ee Gobolka Gabilay
November 25, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)ALLE Mahadi haka gaadhee Shalay Salaadii Roob doonta ahayd ee Guud ahaan laga Tukaday Dalka S/land ka dib waxaa Hadheeyay guud ahaan Deegaanada Gobolka Gabiley Daruuro iyadoo uu Jawiga Cimiladu uu Isbadalay. Hadaba Wararka aanu ka helaynu Magaalada Alaybaday iyadoo uu noo Xaqiijiyay in Daruurtii u horaysay ka Curatay Dagmada Alaybaday sida uu noo Xaqiijiyay Xilldhibaan C/samad Sh Aadan Aamin iyadoo Daruutan ka Curatay oo Biyo Dhig wanaagsan ahayd ay gaadhay ilaa Deegaanada ku hareeraysan Dagmada Alaybaday. .Daruurtii ayaa ah tii u horaysay ka Curatay S/land iyadoo dhamaan Masaajdada G/Gabiley wali ay ka Socoto Alle Bari ALLE lagaga baryayo in Abaarta uu ka dulqaado Bulshada S/land Bari iyo Galbeedba iyo Dhamaan Bulshada Muslimiinta ah ee Abaaraha iyo Colaadaha ku jirta . Waxaan idin soo tabin doonaa Wararka aanu ka helo ee Danbe
Related posts:DAAWO: Madaxweyne Siilaanyo oo Dagax Dhigay Wadada isku xidha Xamaas iyo Hargeisa oo la Dayactirayo. Daawo:Mid Ka Mid ah Xildhibaanadii Sida Wayn Uga Soo Horjeeday Saldhiga Militari Oo Bedka Soo Dhigay... Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu Haysan Kalsoonida Shacabka Oo Aanay Wada Hada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|