“Ragga Sam Sam Rawixisay Waa Kuwo Col Hortii Jabay” Xasan Ganaybaa Ka Yidhi “Lab Haween Ku Taagsaday…..”Mujaahid Cali Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ragga Sam Sam Rawixisay Waa Kuwo Col Hortii Jabay” Xasan Ganaybaa Ka Yidhi “Lab Haween Ku Taagsaday…..”Mujaahid Cali Gurey
November 30, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ku tilmaamay rag jabay siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka oo si wayn uga qayliyey kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah wasiirradiisa xukuumaddiisu la yeesheen mid ka mid ah ardaayada beelaha dega Gobolka Togdheer, kaasi oo lagu taageeray xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne.

Xubno masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo la hadlay warbaahinta , ayaa cambaareeyey shirkaasi oo ay ku macneeyeen mid kala qaybinaya Somaliland.
Haddaba, siyaasiga Cali Guray, ayaa sheegay in masuuliyiinta WADDANI ka tirsan ee ka cawday Wasiir Samsam ay rag hortii jabeen xilli aan la islaba soo gaadhin.
Qoraal kooban oo Cali Guray ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook oo uu arrintan kaga hadlay, waxa uu ku yidhi, “Dhiga codka! Waanagii dhignaye wax aan ahayn may odhan. Ragga Zamzam ay rawixisay Cali-guray isba soo gaadhi maayaan ee waa kuwo col hortii jabay. Aniga dumar oo dhami way iga adagyihiin, waayo iskama celin aqaano oo sida loola dagaalamo ma aqaano.
Xasan Ganay waxan ka qoray;
Lab haween ku taagsaday
Legday oo ku jiifo
Ka lib doonay ba’naa
Cabdiqays-na wuxu yidhi;
Haween waa kuway dilay
Igu duwayna naaskoo
Waa belo rag loo diray
Mana deyn karaayee.”

 

Wajaalenews

Hatgaysa Office

COMMENTS
LINKS