MUJ Xamarji Oo Sheegay In Bur-burinta Xisbiyada Qaranku Ka Mid Noqotay Astaamaha Xukuumaddu KULMIYE, Maxamed Kaahin-na Ku Eedeeyey Inuu Gar-darro Garab U yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUJ Xamarji Oo Sheegay In Bur-burinta Xisbiyada Qaranku Ka Mid Noqotay Astaamaha Xukuumaddu KULMIYE, Maxamed Kaahin-na Ku Eedeeyey Inuu Gar-darro Garab U yahay.
November 11, 2016 - Written by Editor:

“Maxamed Kaahin Oo Dalkan U Soo Halgamay Maanaan Filayn Inuu Caddaalad-darro Sacabka U Tumo, Isagoo Inanka Uu Abtiga U Ahaa (Jamaal) Cagta Hoosteeda La Galiyey ” Mujaahid Axmed Cabdillaahi Xamarji !!

Hargeysa (W.N)-Axmed Xaaji Cumar Cabdillaahi (Xamarji) oo ka tirsan saraakiisha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID iyo bur-burinta axsaabta qaranka ee astaanta u noqontay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Mujaahid Xamarji ayaa xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ku eedeeyey bur-burinta UCID, waxaana uu sheegay inay marinayso halkii ay hore u marisay xisbigii UDUB, isagoo xusay inay xisbiyada qaranku ka mid yihiin hantida ma guurtada ah ee qaranka Somaliland leeyahay, Axmed Cabdillaahi Xamarji oo ugu horayn ka hadlay shirkii uu garabka Faysal Cali Waraabe ku qabsaday Hargeysa iyo taageeradii ay xukuumaddu ka gaysatay ayaa waxa uu yidhi:

“Arrinta ku dhacday Murashixii UCID ee heshiiska la galay Faysal waa arrin uu xisbiga KULMIYE ka dhex doobinayo, inuu dabada ka riixayayna la ogaa si uu danihiisa dambe ee doorashada qaab jujuub ah ugu adeegsado xisbiga UCID-na ugu bur-buriyo,  waxaanu se umadda Somaliland u sheegaynaa inuu Jamaal Cali Xuseen hiil ka sugayo, arrinkaa uu wasiirka arrimaha guduhu ugu diiday inuu Jamaal shirka qabsado, iyadoo ka Faysal-na xaaraan ahaa, ay xukuumaddu iyo hay’adaha loo maray ay kii Faysal-na fasaxeen kan Jamaal-na ay ka joojiyeen xisbi ahaan iyo shakhsi ahaanba arrinkaas waxaanu u aragnaa mid cadaalad  darro ah, waxaanu u aragnaa mid aan ka turjumayn dimuqraadiyaddii iyo xorriyatal qawlkii iyo madaxbanaanidii xisbiyadu lahaayeen, Shirka uu garabka Faysal qabsaday ee xukuumaddu ka dhex doobyayso waxaanu u aragnaa inaanu waafaqsanayn go’aankii maxkamadda oo xukun qarqoosh, anaguna xisbi ahaan aanan wax wada shaqayn ah la yeelanayn”

Maxamed-Kaahin1

Mujaahid Axmed Xamarji oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay Maxamed Kaahin oo uu sheegay inuu xaq darro garab iyo hiil u ahaa markii uu ka qaybgalay shirkii Faysal Cali Waraabe ku qabsaday koonfurta Hargeysa, waxaana uu yidhi:

“waxaa kale oo aan aad uga xumahay Maxamed Kaahin oo dalkan u soo halgamay ayaa halkii uu arrinkan ka odayayn lahaa, inankii uu abtiga u ahaa (Jamaall) oo Cadaalad darro cagta hoosteeda la galiyey  uu hormuud ka noqdo oo uu u sacabo tumo kamaanaan filayn waananu ka xunahay, waxaanu umadda Somaliland u sheegaynaa inay halkaas cadaalad darro wayni ka dhacday, waxaanu umadda u sheegaynaa inay masuuliyadaas xukuumaddu qaadi doonto, Daahir Riyaale Kaahin oo Madaxwayne Siilaanyo ka horeeyey shan doorasho ayuu dalkan ka qabtay, shantaas doorasho midna xisbi kuma bur-burin mid ku soo baxaya mooyaane laakiin maanta xukuumadda KULMIYE waxaa taariikhda u gali doonta in xisbiyadii qaranka qaarnka iilka la le’egaysiiyey qaarna cadaalad darro lagu bur-burinayo” ayuu yidhi Xamarji oo Wargayska Somalilandtoday khadka telefoonka ugu waramay.

COMMENTS
LINKS