Muj.Cali Guray Oo Fashiliyay Sirtii Ugu Waynayd Sheegayna In Isaga Iyo Jamaal La Kulmeen Hagaanka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Sidaasna Uu Jamaal Ku Tanaasulay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj.Cali Guray Oo Fashiliyay Sirtii Ugu Waynayd Sheegayna In Isaga Iyo Jamaal La Kulmeen Hagaanka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Sidaasna Uu Jamaal Ku Tanaasulay
November 9, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Gudoomiyaha Sadexad ee Xisbiga Ucid Muj.Cali Guray ayaa shaaciyay In uu Jamaal Cali Xuseen Muuse Biixi Uga Tanaasulay Musharaxnimadii Waxaaanu intaasi ku daray in ay isaga iyo Jamaal La Kulmeen hogaanka kulmiye oo ay cidi isaga dabqaaday,waxaanu muj.Cali Guray sidaas ku sheegay bartiisa xidhiidhka Bulshada ee Facebookga.

Waxaanu u dhignaa sidan:

DOOFAAR ABIDKII MA DAAHIRO!
Anigu lama yaabani Muuse Biixi ee yaan waxba Carabka lagu badin. Meel buu ku socdaa sidii uu ku gaadhi karo amma uu is yadhaa waad ku gaadhi kartaa sax iyo qaladba wuu isku deyi karaa. Isaga oo Jamaal gadhka hayana goob joog baan u ahaa oo dhawr todobaad ayaa loo kala dab qaadayay in kasta oo goor dambe aan ogaaday qofka i soo ogaysiiyay een ka aqbalay kuna raacay Ilaahay baa xaqqa jecele aanu Muuse ahayn ee Jamaal Cali Xuseen ahaa oo aniga ay xagiisa igaga timi Jamaalna uu si buuxda u aqbalay inu tanaasulo. Sidiina aanu kula kulanay markii ugu horeysay Muuse Biixi subaxnimadii uu waftiga Madaxwaynaha Addis Ababa u raacayay keligayona maanu ahayn ee dad kale ayaa goobjoog ahaa. Maalintii ugu horaysay ee Jamaal uu tanaasulkiisa ii xaqiijinayay lafteeda gurigayga ayuu iigu yimi keligiina muu ahayn markhati bay iyaduna lahayd. Isla Jimcihii ugu dambeeyay ayuu hadana isaga oo keligii ah guriga iigu yimi manuu igu odhan wax baa is bedelay ee wuxu ii xaqiijiyay inu tanaasulayo. Anigu sidii uu maalintii ugu horaysay igu yidhi ku shaqee ayaan kula shaqeeyay markaan qofkan tuuga ah, ee beenaalaha ah, ee khaayinka ah, ee bilaa damiirka ah, ee bilaa dadnimada ah, ee bilaa wacadka ah, ee bilaa diinta ah, noociisa arkayayna Jamaal arinka uu isagu iila yimi waan ku raacay. Waayo xal baan u arkayay ee miyaan qaldanaa mise waan khiyaameeyay mise hiilkii aan la Barbar joogay ayaan kaga baxay? Hadal afka Jamaal ka soo baxa waxa aniga iigu dambeeyay WAAN TANAASULAYAA oo Muuse ayaan u tanaasulayaa. Jawaabtii aan siiyay waxay ahayd ha u tanaasulin Muuse ee “Habar Awal u tanaasul”si berri ka maalin adigana markaaga laguugu tanaasulo khasaarihii qofkan waalani ku gaadhsiiyayna tacwiid uga hesho. Dibna umaanu kulmin ilaa hadda.

Markaa Jamaal dad baa helay kale oo go’aankiisii bedelay waxa uu ku qancay oon ahayn in kan gudaafadda ahi dhulka jiid jiido oy u tareena anigu ma garanayo. Lakiin Sirxan ku bedbaadi maayo xumaan tiisa waana godob taala oo ma duugoobayso ee cid waliba ha ogaato. Muuse Biixi haduu hoosta soo gashado uu iiga dhigo geedi isaga u hiiliyay isaga leh waaye anigu kulama jiro gidobtaana waan daba joogayaa halkii ay doonto iyo intii ay doonto ha igu qaadato maalin maalmaha ka mid ah somebody will pay

 

COMMENTS
LINKS