Halkan Ka Daawo-Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Ka Noqotay Xukun Ay Todobaadkii Hore Ku Riday 4 Qareen, Oo Maanta Xoriyadoodii Dib U Heley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Daawo-Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Ka Noqotay Xukun Ay Todobaadkii Hore Ku Riday 4 Qareen, Oo Maanta Xoriyadoodii Dib U Heley.
November 12, 2016 - Written by Editor:

Qareenadan Maanta Xoriyadoodii dib U helay Ayaa Maxkamada Gobolka Maroodijeex Ku Xukuntay Min halsano oo Xadhiga iyo Hal milyan oo Lacagta Shilinka Somaliland Oo Ganaax, iyadoo Maxkamadu u Cuskatay Xukunkoodaasi Qodob ay Ku eedeeyeen oo Ay Ku Sheegeen in Buuq ay Ka Dhex Dhaliyeen Dacwadii laga garnaqayey, Waxaana Qareenadani oo difaacayay eedaysanayaal kaaliyayaal ka ahaa maxkamadaha oo loo haysto inay warar dacaayad ah ka faafiyeen garsoorka Somaliland.
Hadaba Xukunka Qareenadan oo Si Degdega Isla dacwadii Ay ka Garnaqayeen iyagii Lagu Xukumay, oo ay ka Hadleen Dhacdadaasi Ururka Qareenada Somaliland iyo Hay’ada Xuquuqal Insaanka, Fajac iyo Amakaagna Ku Noqotay Shacabka Somaliland, ayaa is afgarad iyo Wada Hadal Dhexmaray Saraakiisha Maxkamada Sare iyo Gobolka hargeisa, lasoo saaray Go’aan Lagu Siidaynayo Qareenadaasi, iyagoo Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Hogaanka sare ee ururka Qareenada Somaliland Sheegay In Kadib Markii Ay Is Horfadhiisteen Saraakiisha Maxkamada Gobolka ay isku Afgarteen in Go’aankaasi Maxkamadu Ka Noqoto islamarkaana sidaa Lagu Tirtiro Xukunkaasi hore loogu xukumay Qareenada.

IMG-20161107-WA0013-1
Afartan Qareen ee Maanta Xoriyadooda Dib U helay oo kala Ahaa
1. Daahir Maxamed Faarax
2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
3. Xuseen Maxamed Fadal
4. Jaamac Cali Ismaaciil
Ayaa Ka Tirsan Ururka Qareenada Somaliland iyagoo Qaar Kamid Ah Qareenadani Hore uga Soo Noqdeen Maxkamadaha dalka garsoorayaal Muddo dheer Kasoo Shaqaynayey bahda Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland,
Maaha Markii ugu horeysay ee Dhacdo noocan oo Kale Ah Ka dhacdo somaliland, islamarkaana Qareeno Difaacayey Dad lasoo eedeeyey Lagu Xidho Xukun Noocan oo kale, iyadoo inta La Xasuusan yahay Dawladii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Wakhtigeedii Sidan oo kale Loo Xidhay Qareen U Doodayey dad Xidhan.

COMMENTS
LINKS