Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Muqdisho ka Dagay, Kana Mid Noqonaya Xubnaha Aqalka Sare Ee Matalaya Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Muqdisho ka Dagay, Kana Mid Noqonaya Xubnaha Aqalka Sare Ee Matalaya Somaliland
November 18, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N) -Maareeye ku xigeenkii telefishanka qaranka somaliland Mustafe Maxamuud Qodax ayaa ka mid noqday masuuliyiinta ka soo jeeda somaliland ee xilalka ka qabanaya dawlada cusub ee loo dhisayo dalka somaliya.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya, maareeye Mustafe Maxamuud Qodax ayaa haatan mudo dhawr maalmood ah ku sugan magaaladaasi, waxaana la filayaa inuu ka mid noqdo xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka somaliya ku matali doona somaliland.

Maareeye Mustafe Maxamuud Qodax ayey wararku sheegayaan in isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa uu olole xoogan ugu jiray sidii uu uga mid noqon lahaa xubnaha cusub ee ka soo jeeda somaliland kuwaas oo mid noqon doona o aqalka sare ee somaliya.

Maareeye ku xigeenkii telefishanka qaranka somaliland Mustafe Maxamuud Qodax ayaa noqonaya masuulkii sadexaad ee ka tirsanaa xukuuada madaxweyne Siilaanyo oo xil ka qabanaya dawlada somaliya, iyada oo ay hore magaalada muqdisho u tageen agaasimihii guud ee wasaarada maaliyada iyo garyaqaankii guud ee qaranka kuwaas oo haatan xilal ka haya dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ee sii shaqaynaysa.

 

 

COMMENTS
LINKS