Masuul Maalmo ka Dib Isagoo xilka laga Qaaday Sheegay in uu Is casilay Eedana kula Duldhacay Wasiirka Warshadaha iyo Cadaynta Digreetadii Xilka Lagaga Qaaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Maalmo ka Dib Isagoo xilka laga Qaaday Sheegay in uu Is casilay Eedana kula Duldhacay Wasiirka Warshadaha iyo Cadaynta Digreetadii Xilka Lagaga Qaaday.
November 19, 2016 - Written by Editor:

GABILEY(W.N) Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaarada arimaha guduaha Somaliland uu masuuliyiin cusub u magacabay degmada Geedbalaadh oo kamida gobolka Gabiley, sidoo kale xilkii ka qaaday gudoomihii hore ee degmada iyo xoghayihii degmadaas.

Dhanka kale gudoomiyihii hore ee degmada Geed balaadh ayaa isagu sheegay in uu iscasilay maalmo ka dib badalkii lagu sameeyay oo sida qoraaladeena hoos u ku xusan ay xilka qaadistiisa soo dalbadeen odoyaasha deegaanka geedhbalaadhan oo uu gadhwadeen u ahaa suldaanka beeshaas Sul. C/raxman C/laahi Cali.

1; Hadaba halkan ka akhri degraytadii xilka lagaga qaaday iyo maalinta ay ku taariikhaysayd.

p2

 

Waxaan halkan idiinku soo lifaaqay xeer wasiir lambar 21/11/2016 ee 16/11/2016 oo ku saabsan magacaabista Jamaal Muxumed Xasan Gud. Degmada Geed Balaadh iyo Maxamed Muuse Shiil xoghayaha fulinta Degmada Geed balaadh laga bilaabo taariikhda xeerkan,gudoomiyaha Gobolka gabilay waxa la farayaa in uu xilka u kala wareejiyo gudoomiyaha cusub iyo xoghayaha cusub iyo kuwii hore ee degmada loo soo magacaabay kuna hawl galiyo xilalka loo soo kala magacaabay.

 p3

2; Sidoo kale halkan hoose ka akhri qoraalkii madax dhaqameedka beesha degta degmadda Geed balaadh oo uu hormood u yahay suldaanka beesha degta Geed baladh ay u soo gudbiyeen wasaarada arimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Gabilay oo u dhignaa sidan: kuna taariikhaysan 13/11/2016

p1

 

Anagoo ah Suldaan C/raxman C/lahi Cali,waxaan halkan masuuliyinta sharafta lehidiin ku soo gudbinayaa,in markuu deegaanku ka tasshaday arimaha degmada iyo horumarinta,markaanu ogaanay in maamulka hada joogaa aanu wadi karinhawlaha degmada Geed Balaadh,waxay beeshaa deegaanku isla garatay in wax ka badal lagu sameeyo maamulka degmada,sidaasi darted waxaanu gudoomiyaha gobolka ka codanaynaa inaad naga badasho maamulka degmada gaar ahaan gudoomiyaha iyo xoghayaha,anagoo ku rajo wayn in aad iga aqbali doontaan soo jeedintaas.

 

Magacyada Xubnaha Cusub

 

1.Jamaal Muxumed Xasan

2.Maxamed Muuse Shiil

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

Suld:C/raxman C/laahi Cali

 

COMMENTS
LINKS