Madaxweynaha Syria Oo Sheegay Inuu Filayo Trump Inay Isku Xulafo Noqdaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Syria Oo Sheegay Inuu Filayo Trump Inay Isku Xulafo Noqdaan.
November 16, 2016 - Written by Wariye:

assadHargeisa (Wajaalenews):- Hogaamiyaha Syria Bashar Al-Assad ayaa yidhi waxaan filaynaa in Mr.Trump tageero  dawladda Syria , isaga oo lasafan dawladda si uu ula dagaalamo ,ururka ISIS.

Bashar al-Assad ayaa  yidhi taageeriddani waxa ay imanaysaa haddii uu ku adkaysto inuu fuliyo ballamihii uu qaaday wakhtigii uu olalaha doorsho uu ku jiray, sida ay qortay idaacada BBC-da qaybteeda ingiriisiga.

Dhanka kale waxa uu  shaki kamuujiyay inuu fulin doono ballamahaas iyo in kale .

Mr. Trump ayaa hore u sheegay inay tahay arrin aan suurta gal ahayn in laga soo wada horjeedsado ciidamada Syria iyo ISIS , haddii sidaa lagu sii socdana  wxa dhici kartaba ayuu yidhi in lala dagaalamo Russia.

In kabadan  300,000 oo qof ayaa dhintay tan iyo intii iska hor imaad ka Syria bilaabmay 2011 kii.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS