Kulano lays kugu Soo Dhawaynayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Dhicisoobay Iyo Duruufaha Hadheeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulano lays kugu Soo Dhawaynayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Dhicisoobay Iyo Duruufaha Hadheeyay.
November 18, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wada xaajood sirtiisa aad loo adkeeyay oo looga dan lahaa in lagu heshiisiyo iskuna lab xaadhaan suldaanka  guud ee beelaha subeer Awal Suldaan xasan suldaan C/raxmaan iyo gudoomiyaha xisbiga kulmye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in laysku mari waayey.

suldaan iyo muuse

Wadahadaladan oo ujeedada looga danlahaa ahayd sidii laysugu soo dhawayn lahaa suldaan xasan suldaan Cabdiraxmaan iyo gudooomiye Muuse Biixi oo mudooyinkii ugu danbeeyey khilaaf culus kala dhaxyaalay . Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka mid ah xubnaha u kala dabqaadayey labadan dhinac ayaa sheegay in laysku afgaran waayey dhawr qodob  oo xudun u ahaa khilaafkii cakirnaa ee mudooyinkan danbe ka dhaxtagnaa suldaanka guud ee beelaha subeer Awal iyo muuse biixi, Wararka ka ag dhaw xubnahan ku hawlan wadahadala ayaa sheegay in suldaan Xasan dalbaday in garawshiyo iyo xaal marin ka ka bixiyaan cid kasta oo ka danbaysay faro galin lagu sameeyey saldanada subeer oo badhtamihii sanadkan lagula kacay in la soo cumaamado nin lagu sheegay in uu yahay suldaanka guud ee subeer Awal oo dadka fajaciso iyo yaab ku noqotay mana cada in suldaanku dusha ka saaray faragalintan gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo in kale balse waxay taani dabar ku noqotay in wax heshiis ah laga gaadho wada hadalkan xogtiisa la dhawry.

Dhinaca kale waxa la wariyey in muuse biixi isguna uu ka gaws adaygay in uu arintaa lagu eedeyey ee faro galinta saldanada subeer Awal in uu raali galin ka bixiyo, isagoo ku dooday in suldanku warbaahinta ka sheego in uu taageersan yahay siyaasada gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee is aaminaadda suldaan Xasan iyo muuse ayaa u muuqata in aanay midba midkale aamini Karin.

Iyadoo hore uu suldaanka guud taageero u ugu muujiyay sobobtay xiligaa in lagu dhiirado in madi salaadiyiinta sacad muuse yidhaah daan xiligii ayaanu kaa qaadnay iyagoo u cuskaday kala raacista murashixiinta tartanku ka dhexeeyo oo uu la saftay kii ay iskujufada hoose ahaayeen

 

 

COMMENTS
LINKS