Khubaro Ajaanib ah oo ka Hawlgeli Doona Daabacaadda Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha, Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khubaro Ajaanib ah oo ka Hawlgeli Doona Daabacaadda Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha, Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa,
November 30, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Khubaro ajaanib ah oo ka hawlgeli doona daabacaadda kaadhadhka cod-bixiyayaasha, ayaa maalintii shalay kasoo degey magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay saddex nin.

Ragan khabiirada ah ee soo gaadhay magaalada hargeysa ayaa waxa la sheegay inay dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Faransiiska.

Waxaana ujeedada ay dalka u yimaadeen ay tahay sidii ay komishanka doorashooyinka ugala shaqayn lahaayeen nashqadaynta iyo daabacadda kaadhadhka codbixiyayaasha oo agabkii lagu daabaci lahaa dhawaan dalka yimi, waxana hawshan kla shegay inay ka caawinayso hay’adda Creative associates oo dalka maraykanka  kasoo jeedda.

Ragan khubarada ah ayaa waxa la filayaa inay maalmaha soo socda guda galaan daabacada kaadhadhka codbixiyaayaasha  iyaga oo wada shaqayn xoogana ay dhex mari doonto gudida komishanka doorashooyinka somailand oo iyagu u qaranka hawsha doorashooyinka u xil saran.

Gabagabadiina Dhawaan ayey ahayd kadib markii ay soo degeen agabkii daabacayey kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha, kuwaas oo dalka faransiiska laga soo iibiyey, waxaana talaabadan daabacaada kaadhadhku ay qayb wayn ka qaadanaysaa hanaanka dhicitaanka doorashooyinka gaar ahaana doorashada madaxtooyada oo la filayo inay dhacdo horaanta bishan March ee sanadka 2017-ka.

 

 

COMMENTS
LINKS