Jarmalka oo digniin siiyey Ruushka Kuna Faragalin Siyaasadeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalka oo digniin siiyey Ruushka Kuna Faragalin Siyaasadeed.
November 17, 2016 - Written by Wariye:

germany_reichstagHargeisa(WJN):-Madaxa hay’ada sirdoonka gudaha ee wadanka Jarmalka ayaa ka digey in ay dowlada Ruushku iyada oo isticmaaleysa saxaafadda ay isku deyi doonto in ay farageliso doorashada Jarmalka oo la filayo in ay qabsoontyo sannadka soo socda.

Hans-Georg Maassen ayaa wakaaladda wararka ee Routers u sheegey in warar been abuur ah oo Ruushku fidiyey sanadkii hore ayna ku sheegeen in koox dhalinyaro ah oo muhaajiriin ahi ay gabadh Jarmal ah ku kufsadeen magaalada Berlin ay tusaale u noqon karto waxyaabaha lagu bedeli karo ra’yiga dadka.

Washington ayaa iyaduna ku eedeysey in ay Moscow faragalin dadban ku sameysey doorashadii ka dhacdey Mareykanka, balse Ruushka ayaa eedaasi iska fogeeyey,

Qaar ka mid ah shacabka Jarmalka ayaa saxaafadda wadankooda ku eedeeyey in ay daaha saareen warar sheegayey in ay rag muhaajiriin ahi ay gabdho ku faraxumeeyeen magaalada Coln habeenkii sannadka cusub ee 2016ka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wariyayaasha Jarmalka uu culeys kaga yimi dhinaca dowlada oo dooneysa in muuqaal wanaagsan laga bixiyo dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan wadanka Jarmalka.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS