Jamaal iyo Sirxan Hore Ayay u kala Saxeexdeen Heshiis. Haduu Wacadkii ka Baxay UCID laba Qaybood Uunbay Noqon.Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jamaal iyo Sirxan Hore Ayay u kala Saxeexdeen Heshiis. Haduu Wacadkii ka Baxay UCID laba Qaybood Uunbay Noqon.Muj Cali Guray
November 5, 2016 - Written by Editor:

Jamaal iyo Sirxan Hore Ayay u kala Saxeexdeen Heshiis. Haduu Wacadkii ka Baxay UCID laba Qaybood Uunbay  Noqon.Muj Cali Guray

Jamaal Gudoomiye Musharax ah Sirxan Gudoomiye Musharax ah. Yaa khasaaray yaa faaiiday? Cidna saw maaha? Kee baa labada haysta fursad uu ku bedbaadi karo? Haday isla degaan Jamaal baa loser ah waayo Sirxan mar horuu dhintay wax u nool iyo wax u hadhsani ma jiraan. Wuu degayaa ciddii uu sahayan karona wuu sahayanayaa. Xaalkiisu waa “waxba dhawrsan maayee rabow dhagaxyo soo daadi”.

Hadii aan dalka laga qaban qofkan waashay Somaliland inu halisba geliyo ayaan uga baqayaa. Aniga la ii biqi maayo nin soo jabay oo kud iyo cadhaba reebay oo guul iyo guul darroba soo arkay oo wuxu yeelayo iyo wuxu doonayaba garanaya ayaan ahay waa halkii Cabdi Gahayre:

JIDBAALAY IYO BEERDHIGA RAGII JOOGAY BAAN AHAY

ABIDKAYBA GOOB LAGU JABAAN JIQILO WAYNAAYE

I JECELAA ILAAHAY MUXUU JIRAY ARWAAXAYGA

 

COMMENTS
LINKS