Hayada Laydhka Ee Hargeisa Energy Company (HEC) Oo Shaqalahii Ugu Badnaa Eriday Iyo Qaybo Kamida Casimada Hargeisa Oo Cabasho Ka Muujiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hayada Laydhka Ee Hargeisa Energy Company (HEC) Oo Shaqalahii Ugu Badnaa Eriday Iyo Qaybo Kamida Casimada Hargeisa Oo Cabasho Ka Muujiyay.
November 17, 2016 - Written by Wariye:

Hargeisa (WJN):-xukuumada talada dalka haysa ee uu hogaamiye muadane axmed maxamed maxmuud (siraanyo) gacanta u galisay maamulida hayada laydha ganacsadayaal kala duwan oo ay xukuumadu sheegtay inay ku wareejiyay xaruntii laydha ee qaran sobobo la xidhiidha taynta laydha oo markii hore ahaa mid aan si buuxada bulshada u wada gaadhin .

1122

Waxaana ay kala yihiin MSG (Group) boqolkiiba 35% Dahabshiil international Company Boqolkiiba 35% Iyo Idirid Haamud Jibriil Boqolkiiba 10% halka ay dawladuna ku leedahay Boqolkiiba 20%

waxaana laydhkaasi isticmaali jiray xarumaha dawlada iyo in yar oo bulshada ka mida halka marka xafiisyada dawlada laga rawaxana la bakhtiin jiray oo wakhtiga fiidka la soo dayn jiray , waxaana dhib wayn ku qabay bulshada wakhtigaasi isticmaali jirtay oo ay qaarkood meherado lahayeen dhamaantoodana ay kaga faaidaysan jiree baahidooda gaarka ah .

hadaba waxa si wayn loo soo dhaweeyay maamulkii cusbaa ee lagu wareejiyay maamulida haayada laydhka oo ahayd mid baahi wayn loo qabay kana mid ahayd hantida ugu muhiimsan ee uu qaran walba leeyahay .

markii ay si buuxada ay ula waregeen gacan ku haynta iyo maamulida hayada laydka waxay ugu horayntiiba ay bilaabeen sidii shaqaalaha ka hawlgala ay u ( caydhin lahayeen) ama u eryi lahaayeen taasi oo ay sameeyeen nimaad lagu tirakoobayo inta ka shaqaysa xurunta hayda laydhka

oo ahayd xarun dawladeed shaqaladeeduna ay isku xuquuq ahayeen kawa ka shaqeeya wasaraddaha dawlada iwm.

 

Mudo yar ka dib waxa markiiba ay bilaabeen sidii ay shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala ay u eryi laheyeen iyaga oo marmarsiyo uga dhigaya sobobo la xidhiidha nidaamka shaqada ee ay ku hawlgalaan.

Warar xogogaal ah oo aanu ka helayno xarunta Hargeisa Energy Company (HEC) ayaa sheegay in ay todobaadadii la soo dhaafay la eryay shaqaale aad u tiro badan oo ka hawlgalayay xarunta guud iyo xarumaha gaar ah ee ay ku leeyihiin xafadaha magaalada hargeisa.

Waxa jira shaqo la,aan baahsan oo haysata bulshada somaliland ku sugan oo aan helin dhaqaale ku filan oo noloshooda kaafiya ama daboola baahiyahooda.

Arintani ayaa lafjab ku noqonaysa dhalinyada shaqada la ergay iyo laamaha kala duwan ee shaqada ku leh arintaasi iyo bulshada ku dhaqan somaliland.

 

Hadaba shabakada wararka oo isku dayday inay wax ka waydiiso agaasimaha Hargeisa Energy Company (HEC) iyo madaxda ku shaqada leh warbaahinta ee xarunta laydhka (HEC) ayaa aanay noo suurto galin in aanu arintaasi wax ka waydiino.

Laakin hadii ay noo suurto gasho wararka dambe ayaan idinku soo gudbin doonaa waxa arintaasi ka soo kordha.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS