Haraadka & Gaajada Waxa u Dheer Xanuuno, Daal Iyo Rafaad, Waxa ka Baxay Gabi Ahaanba Xoolihii Yaraa Ee ay Haysteen, Naasir Aadan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haraadka & Gaajada Waxa u Dheer Xanuuno, Daal Iyo Rafaad, Waxa ka Baxay Gabi Ahaanba Xoolihii Yaraa Ee ay Haysteen, Naasir Aadan
November 16, 2016 - Written by Editor:

Haraadka iyo Gaajada Waxa u dheer xanuuno, daal iyo rafaad, waxa ka baxay xoolihii yaraa ee ay haysteen, Waxa aad arkaysaa inay yihiin dad qalbi fiican oo laabta ka qani ah oo Ilaahay marti u ah, isla markaana waxa ay Binu-aadam ka sugayaan ama ka filayaanba uu yahay wax iska kooban.

Dareenadda Ku xeernaa Socdaalkayaga deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle ee ay kusoo baro-kaceen in badan oo ka mid ah dadka ay haleeleen abaaraha ka taagan barri-ga Somaliland Waxa uu ahaa mid kugu kalifaya inaanad miciinsanin duco waxaan ahayn, waxaanad arkaysaa hummaag ka duwan kii markii hore kuu muuqday Amaba aad ka aaminsanayd xaaladaha dadka abaaruhu baro-kiciyeen.

dad tabaalaysan 2 dad tabaalaysan 4

Run ahaantii marka aad Warbaahinta Kala socoto xaalada abaaraha barri-ga Somaliland ka Jira, wax ka duwan arrimahaas ayaad arkaysaa markaad tagto goobaha ay dadku kusoo bara-kaceen oo ay ugu wayn tahay deegaanka Coodanle oo masaafo ka badan 200KM xaga barri kaga beegan magaaladda Burco, waxaad arkaysaa in dhibaatada dadkan haysataaa ay ka xajmi iyo baaxadba wayn tahay intii aad markii hore TV-yada iyo Warbaahinta kale ka arkaysay.

dad tabaalaysan 1 dad tabaalaysan 3

Waxa aad Ku arkaysaa deegaanada dad jilicsan oo dhaqaaq daayey, isla markaana cunto ha u danbaysee waayey biyo ay cunaha Ku qooyaan, Waxa kale oo indhahaagu qabanayaan xoolo kici karri waayey awood la’aan darteed oo Geel iyo Adhi-ba leh, kuwaas oo qaarkood halka ay fadhiisteen ay Ku bakhtiyeen, halka ay qaarna wadka ku sugayaan halkaasi.

Xaqiiqatan dadka halkan kusoo barakacay oo intooda u badan ka yimaadeen deegaanada Sool, Sanaag, Saraar, talowga Xadka Ethiopia iyo qaybo ka mid ah gobolka Togdheer-ba waa dad walaalaheen ah oo u baahan gargaar degdeg ah waliba, kuwaas oo ay jilciyeen abaaraha baahsan ee dalka ka jiraa, Waxa kaliya ee ay kaga bixi karaaan haraadka iyo macaluushuna waa Raxmada Alle.

Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu Raxmadiisa inoo shubo oo uu waraabiyo dadkan jilicda San ee mood iyo noolba midna aanu farahooda Ku jirin.

Waxa aan Bartaydan Facebook idiinku soo gudbin doonaa hadii Allaha awooda lihi ogolaado Warbixinihii u danbeeyey ee xaaladaha ka jirra deegaanada barri-ga dalka, kuwaas oo ay Ku lifaaqnaan doonaan sawiro muujinaya xaqiiqada dhabta ah ee halkan ka jirta.

Waxa aynu soo bandhigi doonaa mujtamac gargaar u baahan oo dhulku gogol u yahay isla markaana uu cirku hu’ ay huwadaan u yahay, kuwaas oo cida ay gacanta ka sugayaan yahay Ilaahay (SWT) kalidii iyo walaalahooda kale ee Muslimka ah.

WA BILAAHI TAWFIIQ

COMMENTS
LINKS