Halkan Ka Akhriso:Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Qorsheeyay Sidii ay Kursiga Baarlamaanka Uga Tuuri Lahaayeen Gudoomiye Ciro Iyo Magacyada Xildhibaanada Loo Cumaamadayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso:Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Qorsheeyay Sidii ay Kursiga Baarlamaanka Uga Tuuri Lahaayeen Gudoomiye Ciro Iyo Magacyada Xildhibaanada Loo Cumaamadayo
November 23, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wararka hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE oo is kaashanayaa ay bilaabeen qoryashayaal ay doonayaan inay xilka gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland kaga qaadan Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi “Cirro” oo hadda ah gudoomiyaha golaha wakiilada iyo musharaxa xisbiga WADDANI.

Waxaana xukuumadda la sheegay inay sidii ay gudoomiyaha baarlamaanka uga qaadi lahayd Cabdiraxmaan Cirro ay usoo adeegsatay xildhibaanada ka tirsan golaha wakiilada ee kasoo baxay xisbiga KULMIYE iyaga oo xildhibaanadan loosoo bandhigay laguna adkeeyey inay mooshin ka dhan ah gudoomiye CIrro ay keenaan golaha wakiilada Somaliland,madaama uu yahay musharaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI.

Xogaha ayaa noo sheegay in xukuumadda Somaliland ay kursiga gudoomiyaha la rabto laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada midkood isla markaaan kasoo baxay xsbiga KULMIYE kana soo jeeda gobolka Sool kuwaasi oo iyaga laftoodu mid kasteba dhankiisa guclo orod ugu jiro sidii uu u fuuli lahaa kursigaasi,waxaana xukuumaddu labadan xildhibaan la sheegay inay  mid kasteba dhankiisa ay u dhabar taabatay isla markaana u sheegtay inay saarayso gudoomiyaha baarlamaanka marka xilka uu ka dago gudoomiye Cirro.

Labadan xildhibaan ee ay xukuumaddu dabada ka wado ayaa ah sida naloo sheegay Baashe Maxamed Faaraxx oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada kaasi oo isagu raba inuu ku ruqaansado booska gudoomiyaha marka uu ka dago gudoomiye Cirro iyo waliba xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna kamid ah xildhibaanada xisbiga KULMIYE kasoo baxay,waxaana ay wadaan qorshihii ay golaha ku hor keenaan mooshinkaa ka dhanka ah gudoomiye Cirro.

Gabagabadiina labadan xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka sool ee ay xukuumaddu soo dhabar taabatay ayaa mid kasteba dhankiisa uu rabaa inuu fuulo booska gudoomiye Cirro ee ah gudoomiyaha golaha wakiilada  hadii ay ku guuleystaaan qorshahan ah inay golaha keenaan mooshin ka dhan ah gudoomiye Cirro.

 

 

COMMENTS
LINKS