Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxman Ciro Iyo Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khlaiif Galaydh Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Adisababa ee Dalka Itooboya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxman Ciro Iyo Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khlaiif Galaydh Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Adisababa ee Dalka Itooboya
November 7, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbigiisa ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis- ababa ee xarunta dalka Ethiopia hogaamiyaha ururka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Labada dhinac midna warbaahinta uma soo bandhigin waxyaabaha ay ka wadahadleen laakiin kulankan ayaa ka danbeeyay kadib wahadalo todobaadkii hore si toos ah u dhexmaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hogaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh.

Kulankan ayaa waxaa gudoomiyaha ku wehelinaayey oo dhinca xisbiga Waddani ka socdey  wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  iyo wasiirkii hore Hawlaha Guud  Cabdirisaaq Cali Khaliif Axmed .

Dhinca kale waxaa hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh kulankaasi ku wehelinaayey Dr.Cali Ciise Cabdi iyo masuulyiin kale.

Gelinka danbe ee maanta ayaa la filayaa uu dalka dib ugu soo laabto Guddoomiye Cirro kana warbixiyo ujeedka kulankaasi.

 

Wajaalenews

Hargaysa Office

 

COMMENTS
LINKS