|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudiyada Dan & Duco Iyo Hoodaale Ee Beelaha Habar Awal Oo Waji Gabax kala kulmay kulan ay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kula Yeesheen Magaalada Hargaysa Iyo Wixii Udaarnaa.
November 1, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Gudiyada beelaha Habar Awal ee Dan & Duco iyo Hoodaale ayaa manta kulan ay albaabadu uxidhan yihiin magaalada hargaysa kulayeeshay murashaxa xisbiga ucid aqoonyahan Jamaal cali xuseen. Kulan kan oo ahaa mid gabi ahaanba Warbaahintu ay dibada ka ahayd ismarkaana ka qabsoomay Huteelka Safari Ee Magaalada hagaysa Wararka aanu ka helayno ujeedada kulan ayaa bedka soo dhigay in uudaarnaa sidii aqoom yahan Jamaal cali xuseen loogu qancin lahaa in uu ka tanaasulo murashaxnimadiisa xisbiga ucid ismarkaana uu taageero murashaxa xisbiga kulmiye . Shirkan oo qaatay mudo saacado ah ayaa waxa ay intaa ku darayaan wararka Ay ka helayso shabakada wararka ee wajaalenews oo iyadu isku dayday in ay xaqiiqda soo gudbiso heshayna muuqaalada qaarkamida odyaashii goobta ku sugnaa kadib markii uu shirku dhamaaday kuwaasi oo muujinaya kala aragtiduwanaansho iyo sida habaqle oo ay uga soo baxeen hoolkii uu shirku uga socday. Sidoo kale xogahan shirkan laga helayo ayaa tibaaxay in markii odayaasha ku suganaa madashan oo labada dhinac ee sacad muuse iyo Ciise muuse dan iyo duco oo uu horkacayay Oday Muuse Dalab Halka Dhanka Sacad muusana Uu Horkacayay Xildhibaan Muxumed Aw Axmed ayaa marki ay dalab koodii usoo gudbiyeen Jamaal cali xuseen uu markaliya isbadalay jawigii madashu kaasi oo lasheegay in aqoonyahan Jamaal cali xuseen aad uga cadhooday bedkana soo dhigay dhamaan wixii hadimooyin ahaa ee uu mudadaa khilaafka ucid socday iyo intii uu sharaxnaaba ugaystay murashaxa xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi , Sidoo kale Jamaal cai xuseen ayaa lasheegay in uu kudooday sobobta ay odayaasha xiligan socdaa isaga ugu soo gurman waayeen maadaama uu xataa murashaxnimadiisu ka horaysay tan murashaxa kulmiye Isku soowada duub oo kulan ayaa lasheegay in uu kusoo dhamaaday ismarinwaa kuna soo gabogabooday natiijo la,aan ay goobta kala huleeleen labadan gudi ee magaca beesha habar awal ee xiligan magaca beesha ugu ololaynaya murashaxa xisbiga kulmiye. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|