Falanqayta Baraha Facebook,ga Ee Hadalkii Maxamed Kaahin ka Dhashay Iyo Saamaynta Uu ku yeeshay Xisbiga Kulmiye!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqayta Baraha Facebook,ga Ee Hadalkii Maxamed Kaahin ka Dhashay Iyo Saamaynta Uu ku yeeshay Xisbiga Kulmiye!!!
November 11, 2016 - Written by Editor:

INA KAAHIN WUXU YIDHI  “KULMIYE IYO UCID WAXAY KA MIDAYSAN YIHIIN IN AANU NIN XAMAR KA YIMID QABSANIN HOGAANKA XISBIGA”.

Barta social media ah oo hadalkii ina Kahin status kani falanqo badan ka dhaliyay. Hadalkaas oo Min Maxamed Kaahin aanu kaba fiirsan oo dhaaliilo badan usoo jiiday Xisbiga Kulmiye, oo hada u muuqda in cadaaladi aanay oolba haba yaraatee. Waxaa kaloo is waydiin leh Prof Axmed Ismaciil Samatar oo Xisbiga Kulmiye ku biiray wakaa Gudoomiyihii Koobaad ee Xisbugu cadeeyey in aanu Xisbiga hogaankiisa noqon Karin nin Xamar ka yimid. Waxaynu ogayn in Garabkii Isbahaysigu cadaalad daro ka jirta Xisbiga kaga baxeen kana cawdeen, hadalka GUDOOMIYAHA Koobaad ee Kulmiye ayaa cadaalad daridaa aay tirsanayeen Garabkii Isbahaysigu noqonaya mid sii xoojinayaa Maadaamo GUDOOMIYAHA Koobaad ee Kulmiye fagaare ka yidhi Kulmiye iyo Ucid waxay ka simanyihiin inaanu HOGAANKA XISBIGA noqon Min Xamar ka yimid.

Waxaa kaloo iyana hadalkan u muuqanayaa in Maxamed Kaahin shaki ka qabo in Prof Axmed Ismaciil Samatar isu soo sharaxo GUDOOMIYAHA Kulmiye. Sida looga Bartay Xisbiga Kulmiye ee aay ku Caano maaleen ayaa ah in shaxda CALAN CASTU tahay mid caan ah oo hadalka Maxamed Kaahin ku socdo Prof Axmed Ismaciil Samatar iyo wararkii saxaafada la isu marinaayay ee ay ka muuqatay in Tun Waynayaasha Xukumada Qaarkood orod ugu jiraan inaanu Maxamed Kaahin noqon mid lagu wareejiyo sidii Muj Muuse Biixi oo kale lakiin ay dalbanayaan in doorasho xalaal ah Xisbiga gudihiisa ka dhacdo cid walboo danaynaysaana isu soo sharaxaan lakiin aan la Marin sifii horee Afduubka ahaa.

COMMENTS
LINKS