|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadeexadii Ka Dhalatay Gunaanadka Ciyaaraha Gobolada Somaliland, Shahaado Sharaf Madaxweynuhu Siiyay Qaar Ka Mid ah Golihiisa Xukuumada Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Laga Reebay+Wasiirada Darjiidhay
November 12, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Ciyaarihii gobolada jamhuuriyada Somaliland ayaa galabta lasoo gabogabeeyay kadib ciyaar adag oo galabta ay iskaga hor yimaadeen xulalka gobolada Saaxil iyo Awdal halkaasna ay guusha ku hantiyeen xulka gobolka Awdal,ciyaartan oo ahayd mid xamaasadeedu aad u sarayso oo siwayn looga dareemayay magaalada Hagaysa,ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo. Madaxweynaha Somaliland ayaa gunaanadkii halkaas ku gudoonsiiyay xulka gobolka Awdal bilada koobka ciyaaraha gobolada Somaliland iyo sida oo kale biladaha ciyaaraha kubada kolayga,orodka iyo bilado kale. Dhinaca kale M/waynaha Somaliland ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadiisa oo uu u nisbaynayay in ay ku mutaysteen habsami u socodka qabsoomida ciyaaraha gobolada, waxaanay tani noqotay fadeexadii ugu waynayd oo halxidhaale ku noqotay cidkasta oo la socotay munaasibadan lagusoo afmeerayay ciyaaraha gobolada Somaliland, kadib markii aanu madaxweynuhu wax shahaado sharaf ah ama maamuus ah gudoonsiin wasiirka Ciyaaraha Somaliland C/lahi Faarax Maydhane oo ah masuulka mustawe ahaan mudan in lagu xurmeeyo guusha laga gaadhay qabsoomida ciyaaraha gobolada Somaliland balse waxa uu taas ka doorbiday madaxweynuhu in uu shahaado sharafyadan ku taxo wasiirada lagu xanto in ay maroorsadeen awoodo dheeraad ah,waxaanu kula duldhacay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo calaamatu Su,aal Saaran tahay halka uu ka soo galay ciyaaraha iyo in uu madaxweyuhu ka doorbido masuulkii lahaa shaqadan oo ah wasiirka ciyaaraha,waxa iyaguna ka mid ah wasiirada M/waynuhu doorbiday wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aaden,Taliyaha Ciidanka Booliska C/laahi Fadal Iimaan. Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ahayd mid muujinasay sawir ah sida ay ugu kala tunwayn yihiin masuuliyiinta xukuumadu ama golaha wasiiradu madaxtooyada taas oo runtii gabi ahaanba meesha ka saarasa haykalkii wada shaqayneed ee Masuuliyiinta haayadaha dawlada oo ah mida inta badan ay ka dhacsan yihiin xukuumada Kulmiye iyada oo ay kukala awood badan yihiin dhinaca madaxtooyada. Related posts:Cisbitaalka Ceerigaabo Oo Albaabbadu U Xidhmeen xilli Xukuumaddu dadka ku mashquulisay qaadhaanka wa... Xldhibaan Guruuje Oo Ka Hadlay Colaada Kasoo Cusboonaatay Ceel Afwayn Iyo Baaqa Uu Udiray Suldaanka ... Daawo:Xoggo ku saabsan Qaraxyadii lala Beegsaday Masjidka Nebiga (Madiina al-munwarah)+Qaraxii magaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|