|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhiiri Galin Waxqabad Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.
November 5, 2016 - Written by Editor:Marka hore waxanan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa Golaha deeganka Gobolka gabiley oo aan ku hambalyaynayo dadadaalka iyo waxqabadka hufan ee ay u hayaan umada iyo sida ay uga soo bexeen hawshii loo igmaday . Ugu horayn waxaan salaan uga dirayaa dhamaan xubnaha golaha deegaanka ee gobolka gabilay. Salaan ka bacdi, waxan ka baxay magaladda hargiesa waxan u baxay gobaladda galbeedka oo ay ka midd yihiin gabiley iyo boorama. Waxaya ahayd 9:00pm habeenimo markii aan galay magalaada casimada gobolka gabiley ee gabiley waxanan ka soo galay dhinaca bariga markaan marayo meesha loo yaqaano galoolay ayaa waxan arkay kaah iyo iftiin soo jiitay indhahayga oo aanan ugu baran gobolka gabiley in yar ka bacdi waxan galay magaladda gabiley waxanan arkay magalada oo gabigeediiba hilaacayso markaad raacdo wadooyinkeeda dhexmara magalada tagtana qaybeheeda kala duwan. Ee aad dhex lugeeyay qaybaha magaalada waxan arkay biitooyo dhaadheer oo dushooda ay ka baxayaan laanbado solar ah laguna taxay laamiyda dhinacyadooda, gaar ahaan wadada ugu dheer ee tagtay dhakhtarka iyo jaamacada guriga martida ee gobolka gabiley oo ahayd wadada ugu khatarta badan dhinaca isku socodka bulshada habeenkii oo aad lafahaaga ugu baqayso, dhib ay kala kulmi jireen dadka dhakhtarka u socda iyo waliba dhakhaatiirka ka hawl gasha dhakhtarka iyo ardayda dhigata jaamacada tima-cade gaar ahaan kuliyadaha la dhigto habeenkii oo ardaydu ka soo baxaan habeenkii yaa waxay kala kulmi jireen cabsi farabadan oo aan imika ka jirin . Intaa ka bacdi waxan doonayaa in aan yara iftiimiyo faa iidada ay leeyihiin waxa loo yaqaano streer light. Street light waxay ka qayb qaataan hurumarka bulshada dagan goboladda iyo dagmooyinka waxana ka mida Amaniga magalada sida kooxaysiga dhilin yarada ee habeenkii dhibta ku hayay dad waynaha iyo iyaga dhexdoodaba. Dheqdhaqaaqa ganacsiga iyagoo aad arkayso meharado xiliyo dambe furan kana faa idaysanaya iftiinka magaalada Yaraynta isku dhaca baabuurta dhexmarysa magaladda Ilaalinta caafimaadka gaar ahaan dhinaca khashinka Adeega dad waynaha dagan magalada oo xili walba ay helayaan meherado furan iyagoo aan wax cabsi ah la kulmayn Hurumarka dhinac dalxiiska iyadoo horaba u ahayd meel dalxiis imikana ka horumartay xagii street light . Hurumarka dhinaca bilicda magaalada qaybaheeda kala duwan Sidoo kale waxaad ku arkaysaa wayaabo kale oo farabadan oo ay leeyihiin street light magaalooyinka iyo hurmarka bulshada. Sidaa daraadeed waxan ku hanbalyeynaynaa golaha deeganka gaar ahaan mayarka magalada ah cida ugu masuulka ah bulshadda hurumarka magalada waxan leeyahay qofsta oo xabad jaajuura ku soo kor dhiya hurmarka magalada wuxuu mudan yahay sharaf iyo in lays garabtaago ee u ma baahna xaqiraad iyo dhaleecaynta masuuliyiinta umada u ahaysa xilalka waxan leeyahay masuuliyiinta umada shaqada u haysaa output umada ee maaha dad meelkale ka soo baxay waxanan idin leeyahay geedna ubax aan ubaxiisa ahayn ma soo saaro. Waxanan marlabaad hanbaleyeynayaa golaha deeganka ee gobolka gabiley iyo Xoghayaha waad ku mahad santihiin streel light aad ka hirgaliseen magalada waxan leeyahay halkaa ka sii wada alle ha idin ku asturo. Dhinaca kale waxan gobolku wuxuu leeyahay aqoon yahay farabadan oo jooga gudaha iyo dibada waanay maqantahay kaalintii ay ku lahaayeen hurmarka gobolka. waana su aal taagan tusaale haddaan idiin soo qaato gobolka malaha warshado yar yar oo wax soo saar malaha hudheelo ku haboon gobolka oo umada baahi tira malaha dhakhtaro bareefada oo bulshada u adeega waxanan leeyahay gobolku wuxuu qabyo ka yahay dhinaca aqoon yahanka iyo Ganacsatada Gobolka ka soo jeeda oo ka hayaantay. Wabilaahi Tawfiiq Sacad Maxamed Email: faaraxood4@gmail.com
Related posts:Natiijada Dastuurka Oo La Furo Iyo Magaca Somaliland Oo La Beddelo!!! (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud) Warbixin Daaha Ka Rogtay Somaliland Oo Cidhiidhi Gelisay Jabuuti & Eritrea Iyo Indhihii Maalgashiga ... Abwaan Maxamuud M. Yaasiin “Dheeg”: Hogol Mar Qudha Curatay, Manfaceedu-se waaray. Qaybtii 5aad By A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|