Dhiiri Galin Waxqabad Golaha Deegaanka Degmada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhiiri Galin Waxqabad Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.
November 5, 2016 - Written by Editor:

Marka hore waxanan  hanbalyo iyo bogaadin  u dirayaa  Golaha deeganka Gobolka gabiley oo aan ku hambalyaynayo dadadaalka iyo waxqabadka hufan ee ay u hayaan umada iyo sida ay uga soo bexeen hawshii loo igmaday .

Ugu horayn waxaan salaan uga dirayaa dhamaan xubnaha golaha deegaanka ee gobolka gabilay.

Salaan ka bacdi,  waxan  ka baxay magaladda hargiesa waxan u baxay gobaladda galbeedka oo ay ka midd yihiin gabiley iyo boorama.   Waxaya ahayd  9:00pm  habeenimo markii aan galay magalaada  casimada gobolka gabiley ee gabiley waxanan ka  soo galay dhinaca bariga markaan marayo meesha loo yaqaano   galoolay ayaa waxan arkay kaah iyo iftiin   soo jiitay indhahayga oo aanan ugu baran gobolka gabiley in yar ka bacdi waxan galay magaladda gabiley waxanan arkay magalada oo gabigeediiba hilaacayso markaad raacdo wadooyinkeeda  dhexmara magalada  tagtana qaybeheeda kala duwan.   Ee aad dhex lugeeyay  qaybaha magaalada  waxan arkay  biitooyo dhaadheer oo dushooda ay ka baxayaan laanbado solar ah laguna taxay  laamiyda dhinacyadooda, gaar ahaan wadada ugu dheer ee tagtay  dhakhtarka iyo jaamacada  guriga martida ee gobolka gabiley  oo ahayd wadada ugu khatarta badan dhinaca isku socodka bulshada habeenkii oo aad lafahaaga ugu baqayso,  dhib ay kala kulmi jireen  dadka dhakhtarka u socda iyo waliba dhakhaatiirka ka hawl gasha dhakhtarka iyo  ardayda dhigata jaamacada tima-cade gaar ahaan kuliyadaha  la dhigto habeenkii   oo ardaydu ka soo baxaan habeenkii  yaa waxay kala kulmi jireen cabsi farabadan oo aan imika ka jirin .

Intaa ka bacdi waxan doonayaa in aan yara iftiimiyo  faa iidada ay leeyihiin waxa loo yaqaano streer light. Street light waxay  ka qayb qaataan hurumarka bulshada dagan  goboladda iyo dagmooyinka waxana ka mida

Amaniga magalada sida   kooxaysiga dhilin yarada ee habeenkii dhibta ku hayay dad waynaha iyo iyaga dhexdoodaba.

Dheqdhaqaaqa ganacsiga iyagoo aad arkayso meharado xiliyo dambe furan kana faa idaysanaya iftiinka magaalada

Yaraynta isku dhaca baabuurta dhexmarysa magaladda

Ilaalinta caafimaadka  gaar ahaan dhinaca khashinka

Adeega dad waynaha dagan magalada oo xili walba ay helayaan meherado furan iyagoo aan wax cabsi ah la kulmayn

Hurumarka dhinac dalxiiska iyadoo horaba u ahayd meel dalxiis imikana ka horumartay xagii  street light .

Hurumarka dhinaca bilicda magaalada qaybaheeda kala duwan

Sidoo kale waxaad ku arkaysaa wayaabo kale oo farabadan oo ay leeyihiin street light  magaalooyinka  iyo hurmarka bulshada.   Sidaa daraadeed waxan ku hanbalyeynaynaa golaha deeganka gaar ahaan mayarka magalada   ah cida  ugu masuulka ah bulshadda  hurumarka magalada waxan leeyahay  qofsta  oo xabad jaajuura ku soo kor dhiya hurmarka magalada wuxuu mudan yahay  sharaf iyo in lays garabtaago   ee u ma baahna  xaqiraad    iyo dhaleecaynta masuuliyiinta  umada u ahaysa xilalka waxan leeyahay masuuliyiinta umada shaqada u haysaa    output umada  ee maaha dad meelkale ka soo baxay    waxanan idin leeyahay  geedna  ubax aan ubaxiisa ahayn  ma soo saaro.

Waxanan marlabaad  hanbaleyeynayaa golaha deeganka ee gobolka gabiley iyo Xoghayaha  waad ku mahad santihiin streel light aad ka hirgaliseen magalada waxan leeyahay  halkaa ka sii wada alle ha idin ku asturo.  Dhinaca kale waxan  gobolku wuxuu leeyahay aqoon yahay farabadan  oo jooga gudaha iyo dibada   waanay maqantahay kaalintii ay ku lahaayeen hurmarka  gobolka.  waana su aal taagan  tusaale haddaan idiin soo qaato   gobolka malaha warshado yar yar oo wax soo saar  malaha  hudheelo ku haboon gobolka oo umada baahi tira  malaha dhakhtaro bareefada oo bulshada u adeega    waxanan leeyahay  gobolku wuxuu qabyo ka yahay dhinaca aqoon yahanka iyo Ganacsatada Gobolka ka soo jeeda oo ka hayaantay.

Wabilaahi Tawfiiq

Sacad Maxamed

Email: faaraxood4@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS