Dhacdooyinka ku lamaanaa Safarkii Waftiga Madaxwayne Siilaanyo Ee Maanta, Muuqaalka Samaale Iyo Qorshaha Muuse .SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdooyinka ku lamaanaa Safarkii Waftiga Madaxwayne Siilaanyo Ee Maanta, Muuqaalka Samaale Iyo Qorshaha Muuse .SAWIRO
November 19, 2016 - Written by Editor:

Dhacdooyinka ku lamaanaa Safarkii  Waftiga Madaxwayne Siilaanyo Ee Maanta  Muuqaalka Samaale Iyo Qorshaha Muuse .SAWIRO

HARGAYSA(W,N) Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa  manta ka dhex muuqday safarkii  waftiga madaxwaynaha Somaliland hogaaminayay kaasi oo mudo badi ay ku kala maqnaayeen  qordoofooyinkii ka dhashay loolankii murashaxnimada xisbiga kumiye kaasi oo xiligaa wasiir samaale iska casilay wasaraadii waxbarashada ee loo magacaabay.

samaale iyo maanta safarkii 3 samaale iyo maanta safarkii 2

Balse dhawaan ayay ahayd markii isku soodhawayn kadib ay islaab xaadheen murashaxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyagoo sida lasheegayna isla qaatay in Cabdicasiis samaale barbar istaago hanta murashaxa kulmiye Ee xiligan sidoo kale dhawaan ayay hayd markii iyana wadahadal iyo islaabxaadhasho lagu dhameeyay khilaafkii kala irdheeyay Samaale iyo Qoyska Madaxtooyada ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Siilaanyo.

SAFARKII MAANTA 3

samaale iyo maanta safarkii 1

Marka laga yimaado dhacdooyinkaa iyo isku soo dhawaanshaha wasiirkii hore ee maaliyada iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa waxay noqotay mid durba abuurtay jawi siyaasadeed oo ka duwan kii hore waxaana taasi marag unqotay Samaale oo isagu durba fuliyay wixii lagu heshiiyay iyo dhismaha hanka murashaxaha ay isku Hayta hoose yihiin waxaan laga warsugidoonaa sida Cabdicsiis Samaale turxaan bixinta uga dhex bilaabo gudaha beesha Sacad Muuse iyo sidii uu ugu qancin lahaa badi taagerayaashiisa in ay ka tanaasulaan xurguftii hore iyo in  uu bilaabo kaabaynkii siyaasadee ee lagu yaqaanay kaasi cabsi ku abuuray durba asxaabta mucaaridka ee uu loolanka adagi ka dhexeeyo xisbi xaakimka kulmiye.

COMMENTS
LINKS