Dhacdo Ugub ku ah Maxkamadaha Somaliland oo saaka ka dhacday Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Iyo Qareeno Oo u Doodaday kaaliyayaal Mudo Xidhnaa Oo Iyagii Lagu Riday Xukun Iyo Ganaax lacageed.SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Ugub ku ah Maxkamadaha Somaliland oo saaka ka dhacday Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Iyo Qareeno Oo u Doodaday kaaliyayaal Mudo Xidhnaa Oo Iyagii Lagu Riday Xukun Iyo Ganaax lacageed.SAWIRO
November 7, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Maxkmada Gobolka maroodi jeex ayaa saaka bilowda dhacaysiga dacwada lagu eedeeyay kaaliyayaal ka ka tirsaan maxakmada taasi oo ay ahayd in ay samaysteen face bookyo been abuura oo sida ay hore u sheegeen masuuliyiinta maxkamada gobolku in lagu faafiyay warar been abuura,

IMG-20161107-WA0013-1
Hadaba markii aay saaka bilaabantay gudo galka dacwadan sidoo kalana xeer ilaalintu soo Oogtay eedo ayaa waxaa eedeesi hor istaagay midkamida afarta qareen ee u doodayay dhibanyaashan kaasi oo sheegay in aanay eedani ahayn tii hore loogu soo gudbiyay ayna ka baxsan tahay sharciga,
intaa kadib waxaa diidayn in uu joojiyo eedaasi Garsoorihii maxkmada kaasi oo lagu magacaabo YAXYE XUSEEN halka dhinaca kale uu gorsoore yaxye amaray in si deg deg loosoo eedeeyo afartan qareen laftooda iyadoo dhinaca kale ay la qaadatay xubnihii ka socday xeer ilaalinta gobolku taasi oo markii danbe sobobtay in xukuno kala duwan lagu rido afartii qareen ee iyagu udoodayay lixdan qof ee mudada sedexda bilooda ku xidhnaa masuuliyiinta maxkmada gobolka.

IMG-20161107-WA0013
waxaana isla goobtii xukun deg dega lagu xukumay qareenada xadhig iyo ganaax lacageed oo dhan HAL sano iyo Laba Milyan oo ganaaxa
MAGACYADA Qareenada lagu riday Xukunka Oo kala Ah;
QAREEN XUSEEN FADAL
QAREEN CABDIRAXMAAN MAXAMUUD (TIMAANDHO)
QAREEN DAAHIR CIYAALE
IYO XUBINTA KALE OO AANAN HELIN MAGACEEDA,

COMMENTS
LINKS