Danyarta Somaliland Iyo Duruufta Heeysta.2016;By Fuaad.M. Qawdhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danyarta Somaliland Iyo Duruufta Heeysta.2016;By Fuaad.M. Qawdhan.
November 17, 2016 - Written by Wariye:

walaalaal dhalin yaro badan oo aan ka mid ahey una dhashey somaliland kuna nool calamka, ayaa waxaay iyaga iyo aniguba aan ku halweesan nahey sidii aay

Walaalayaal waxaan doonayaa in aan idiin iftiimiyo  nolosha dhabta ah ee   aay ku nool yihiin, danyrta somaliland iyo  wayaha nololeed ee heeysta imika.

walaalayaal danyrata somaliland ayaa waxaa  lagu soo waramaya in aay meel aay hadhsadaanba aay laayihiin, waxaa ku dhacey oo ku habsadey waayo addag oo aay sababtey wayaha nololeed a ay ku jiraan, taas oo  sabaab u tahey, mid aay u geesteen musuuliynta ay maamulka somaliland u dhiibteen  iyo mid dabiici ah.

walaalaal dhalin yaro badan oo aan ka mid ahey una dhashey somaliland kuna nool calamka, ayaa waxaay iyaga iyo aniguba aan ku halweesan nahey sidii aay dadweynaha somaliland mijo iyo madaxba aay

u noqon lahaayeen. dad kunool  nollool tayo leh, isla markaana waxaaan ku baadigoob ku jirnaa sidii aan u saxi laheen ama aan u sheegi laheen khaladka sabababey in bulshada somaliland danyerteedu aay noqdaan ku wayo wayaha nololeed uu diagada yahey.

Walaal mihiimada aan ka leenahey waxey tahey,  markaan araganey in aaney jirin wax dan iyo muraad  midna aan  ka laheen wayaha nolool ee heysta danyrta somaliland, ayaan goosanaey in aan u noqo kuwo u hadla danyarta soamliland iyoq afwaloo somaliland ah oo dulmunba, anogoo akhiro iyo aduunkaba ka sugana a ajeer inuu ilaahey inaga siiyo. Walaalyaal waxa naga dhawaajiya waa  markaan aragney dhibaatooyinka  heeysta danyerta somaliland oo  noqtey mid baahsan. MARKAAN araganey bushda somaliland iney u baahan tahey dad u hadla, waxaa gabey xisbiyadii mucaradka oo aan  waxii loo ilamdeyba aan qaban oo danohoga gaarka ka hadla uun oo aan dan iyo muraad  midna aan ka laheen  danyarta somaliland, waana nasiib daro weyn in dad shacabi aay u hadlaan laakin wey ka fursan weydey waayo waxa gabey dowladii somaliland iyo mucaardkiiba aay aheed  iney u hadlaan dadkooga bahan iyo wayaha nololeed ku adkaadey.

ABAARAHA somaliland ee soo noqonaya walaalaayl waxaa keena  waa wax yaabahaas aan soo sheegey, markey bulshada somaliland  dadkoogu masuulka ahaa aay wax naxiriisa u gali wayeen dadkooga danyerta iyo dadkooga jilicsan, waxaan shaki ku jiriin in abaraha somaliland ee soo noqnaya aay sabab u tahey,  waa arimo uu ilaahey wax ku tusayo dadkeena ladan iyo masuuliiyiinta somomalilanad oodhan, hadii aay tahey kuwa mucaardka iyo  dowlaada oo noqdey kuwo ku gafey ama ku tuntey xaquudii aay lahyeen , haweenka somaliland iyo caruurta somaliland  maskiinta somaliland ,dadkeena jilicsan ,dadkeena xoolaha dhaqatada iyo kuwo kale oo aay heeystaan dhibaatooyinka nololleed ee jira.

Walalayaal waxey aaynu muslin u nahey in aan ilahey dardarinkiisa ku dhaqano si aaynu dadkeena somaliland odhami aay noqdaan kuwo ku noolaada nolol barwaaqo iyo cafimaad leh oo la jaanqaada calamka ku caano maaley caddalada iyo sinaanta, lakin walaal marka uu  aaynu noqo bulsho mid madax iyo mid shacibiba  kuwo aan iska qaban dulmiga iyo musuuqa maasaqa, ilaaheybaan idinku dhaarshe markaa sideebuu roobku u dayaaa?.

HADABA ABARAHA WAXAA KEENA WAA WAXAAS AAN SOO SHEGEY.

ilaahey qolona ma dulmiyo ilaa aay noqdaan kuwo aduunka fasahaad, xumaan, dulmi, musuqmaasq, iyo cadalaad daro kuwo aay ku habstao moyaane,,  sida qudha ee aaynu ku noqono bushO ka dharagta naxAriista ILAAHEY waa inagoo ka kacana dulmiga iyo xumaanta aay sabaan musuq maasqayada dalka ka jira ee aaynu wadda ognahey dhankey doontaba ha aheetee, ilaa taas aaynu iska qabano oo aaynu noqono bulsho wanaga iyo caddlada isku raacda, markaas uunbuu roobku dayyaa.

GUNAANADKII QORAALKEYGA

Hadii aaynu dooneyno in aaynu ka baxqno abaraha jira, waa in aaynu noqono kuwo horta fahsan , abaraha maxaa keena, dabeedna ku dhaqaano abaraha sidii aaynu kaga hor tagi laheen, inagoo fulineeyna caddlalad baahsan oo dhanwalba leh, isla markaana u naxariisno dadkeena jilicsan iyo xolaha dhaqatadda , qafka buka oo la daweeyeo, dadka danyrta oo loo sameeyo nolol dhanwalba leh, isla markaana iska qabano muusuqmaasaqa iyo caddlad darada, tageerna qafkeena u naxriista dadkeena jilican, markaas buu roobku daya abartuna aay istaageysaa.

Walalayaal aannu noqno bulsho dadkoga jilicsan u naxa nololna  u sameeya, qafwalna caqiisa siiya walaal, musuq masanqan iska qabta ,dulmiga jirana ka mudaharda, markaas baaan ku noolaaneynaa nolol tayo leh oo ilaahey ka raali yahey.

ILAAHEYBAA MAHAD LEH  iga dhigey mulin

waxaa qorey fuaad maxamed qawdhan  araimaha bulshada wolwich london

salaanmedia.

mr_qawdhan@hotmail.co.uk

facebook; fuaad qawdhan

COMMENTS
LINKS