Clinton Oo Sheegtay In Trump La Siiyo Fursad Uu Waddanka Ku Hoggaamiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Clinton Oo Sheegtay In Trump La Siiyo Fursad Uu Waddanka Ku Hoggaamiyo.
November 10, 2016 - Written by Wariye:
Former U.S. Secretary of State Hillary Clinton  takes part in a Center for American Progress roundtable discussion on "Expanding Opportunities in America's Urban Areas" in Washington.

Former U.S. Secretary of State Hillary Clinton takes part in a Center for American Progress roundtable discussion on “Expanding Opportunities in America’s Urban Areas” in Washington.

Hillary Clinton, musharraxa madaxtinimada ee laga guulaystay, waxay sheegtay in loo baahan yahay in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, la siiyo fursad uu dalka ku hoggaamiyo.

Iyadoo fagaare soo istaagtay tan iyo markii ay qiratay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa haweeneyda dimoqraaddiga ah waxay sheegtay inay rajeynayso in Mr Trump uu ku guulaysto inuu madaxweyne u noqdo dadka Maraykanka oo dhan.

“Waxaan aragnay in waddankeennu u qaybsan yahay si ka qota dheer sidii aan u maleynaynay,” ayay tiri.

Donald Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45aad kaddib guul la yaab lala yaabay.

Waxaa uu kulankiisa ugu horreeya ee xilliga kala guurka aqalka Cad kula yeelan doonaa madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama Khamiista.

Mr Obama, oo saaka telefoonka ugu hambalyeeyay ninka xafiiska ka beddelaya, waxaa uu sheegay in aanay qarsoodi ahayn in isaga iyo Mr Trump ay waxyaabo badan isku khilaafsan yihiin.

Dimoqraaddigu waa inay xasuustaan in “aan nahay American marka hore, waddaniyiin marka hore, waxaan dhammaanteen doonaynaa waxa waddankan u wanaagsan”, ayuu sheegay.

Waxaa uu ku farxay hadalkii uu Mr Trump xalay jeediyay, ayuu yiri.

Mrs Clinton waxay kaloo ku boorrisay taageerayaasheeda inay xushmeeyaan natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in dastuurku dhigayo in xukunka si nabadgelyo ah la isugu wareejiyo.

“Waan ka xumay in aynaan ku guulaysan doorashadan dhaqammada wanaagsan ee naga dhexeeya iyo aragtida aan ka qabno waddankeenna,” ayay sheegtay Mrs Clinton oo taageerayaasheeda kula hadlaysay New York.

“Weli ma aynaan gaarin dhalada saqafka ugu dheer uguna adag. Laakiin maalin uun, qof ayaa gaari doona,” ayay tiri Mrs Clinton, iyadoo ka hadlaysay guuldarradeeda inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota waddanka Maraykanka.

Sources:BBC.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS