Ciidanka Amaanka Somaliland Oo Qabqabtay Xubno Looga Shakiyay Ururka Alshabaab Iyo Tuhunka Doorkii ay Ka Qaateen Diyaarado Dhawaan Soo Galay Hawada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Amaanka Somaliland Oo Qabqabtay Xubno Looga Shakiyay Ururka Alshabaab Iyo Tuhunka Doorkii ay Ka Qaateen Diyaarado Dhawaan Soo Galay Hawada Somaliland
November 19, 2016 - Written by Editor:

 

Hargeysa(wajaalenews)Ciidanka booliska Somaliland ayaa qab-qabtay todobaadkan shan qof oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha xag-jirka ah ee fuliya hawlaha ismiidaaminta ah.

Shantan qof ee la xidhay ayaa waxay boolisku kasoo kala qabteen gudaha Hargeysa,halka qaarkood-na hawl galo bariga Somaliland laga fuliyay lagu soo guuleystay in lagu qabto,booliska Somaliland ilaa hadda kamay hadal dadkan,hase’yeeshee sida ay Waaheen wararka ku heshay waxa lagu wadaa baadhitaan,isla markaana waxa laga hubinayaa eedaha lagu haysto inay ku caddaadaan iyo in kale.Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay kamid yihiin laba askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland,kuwaasi oo ka hawl gali jirey wasaaradaha dawlada,halka mid kamid ah dadkaas-na la sheegay inuu ahaa sarrifle.

Booliska ayaa baadhitaano ku haya dadkan,waxaana maalmahan soo baxayey warar is khilaafsan,kuwaas oo ku saabsan shanta qof ee la qabtay,iyada oo la hadal hayo in qabashadooda ay ka qayb ka ahaayeen diyaaradihii dul haadayay deegaano ka tirsan Somaliland.

Source:waaheen

 

 

COMMENTS
LINKS