Cige Iyo Caraale: Heerin Xamar Tagay Talo Ha Waydiin/ Kick Out Turkish From Somaliland/ Abaaraha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cige Iyo Caraale: Heerin Xamar Tagay Talo Ha Waydiin/ Kick Out Turkish From Somaliland/ Abaaraha.
November 17, 2016 - Written by Wariye:

Cige: Caraalow ma maqalaysay kuwii heerinka ku tagay ismaamulka Somalia  waxay ku hadlaayeen

Caraale:yidhi  Hadraawi markuu xaaladan oo kale ka gabyaaye

Cige : Qabyo waa halkeedii

Neue”, Helvetica, Arial, “Lucida Grande”, sans-serif;”>            Weligay cad quudheed
Anna qaadan maayoo
Qalanjadan faraa dheer
Wax la qaybsan maayee

Caraale:Akhas,waxay ahayd in ay ku adkaystaan hadalkoodi hore.

Cige: Dee cidbaa u joojin wayday,markii horena may aheen qaar mabda leh.

Caraale: Garaadkooda waxaa inagaga filan markay qaarkood Jabuuti ka soo qaateen
haybta cusub ee Dir.

Cige: Maalintaa Cabdiraxmaan tuur (AHN) waa  la ogaa mawqifka uu iska taagay abtirsiinta
cusub  ee Somalbisku soo sameeye si ay u duudsiyaan xuquuqda beelo kale.

Caraale:Waxaan kaga ciil la’ahay waa walle iyo bile , kol haday caado qatayaasha cadka quudheed qaatay
sinaba inoo matalin, kaaga daran awood siyaasadeed oo ay ku leeyihiin ma jirto ismaamulka
Somalia.beesha ay sheegteene waa ta ugu liidata ismaamulka Somaliyed, looma ogola in ay isu
soo sharaxan Madaxweyne iyo R/Wasaare toona waana qobotol oo isuma calool furna
waa sidii adhi yibir oo orgi u badan wax la ororsha…..  iyagu ha dhamays tiraan

Cige: waxaynu ogayn  wadankii  Jamhuuriyada Somaliyed ka koobnaa  Darood,Isaaq, Hawiye
Dir,Ciise,Samaroon ,Digle iyo Mirifle ,Baajuun iyo qaar kaleba,laakin si beelaha qaar sad bursi
u helaan, ama ay iskaga reebaan beelaha qaar ayey isku qubtoleen beelo aan isir iyo ab toona
wadaagin.

Caraale; waa ta keentay in Dir kii runta ahaa ee Somalia degenaa iyo Isaaqi Somaliland labadaba
la dhaco , waayo rag baan ogolayn in Isaaq  la siiyo  qaybtiisa ,waxaa run ah oo jirta in Isaaqu
ka badanyahay  Daaroodka degen wadankii la isku odhan jiray  Somali Republic.

Cige:   shirqoolkaa aargoosiga ahaa waa ta keentay in 4.5 ka Somalibiisku samaystay ay ka siiyaan
kuwa Xamar uu heernay  0.25.

Caraale: Qaybtu waxay ahayd  3.5+1( Isaaq)+1( Real Dir)= 5.5 ama 6
Real dir waxaan uga jeedaa Dirkii awlaba  Somalia( waxaynu koonfurta u naqaanay)
degenayd,walibana Ciise ,samaroon iyo akishena qaybtooda la siiyo

Cige: caraalow waa tii baarlamanka waxa loogu yeedho la badiye, beelaha kale qaarkood waa loo
seddex laabay waxay ahayd  in ay helaan 60 xildhibaan waadigii ugaa waxa la siiye ,intii 60gii.
halkaa maxaa kaaga soo baxay in cadaalad daradi awalb la sameey hadana loosii seddex jibaaray

Caraale: Waar dadka meesha jooga qaarkood waxay u haystaan in aad leegtahay  jilib ka mid ah beelaha
Somalia  qaarna dan kama laha in  Somaliland dib ula midowdo Somalia iyo in kale.

.
Cige: Caraalow  tirkoob la sameeye  60kii ka hor  wuxuu ahaa sidan
Hawiye 23%, Isaaq 22%, Darood 20%,Raxanweyn 17%,Dir 12 %,Jareer 6%.
markaa miyaanay isaaq iyo Dir isku ahayn 39%,

Caraale: cadaalada niminkaa waxaa kaaga filan berigii1961 kii aftida loo qaadaye distoorkii Somalia
soo macmacashay( Kii State of Somaliland badkaba lama soo dhigin) ee ay yidhaahdeen  Somalia
1700000( Milyan iyo todoba yboqol oo kun},Somaliland waxaa ka codeeyey leeyihiin  100000 qof
(Boqol kun oo qof) ,tirdaasoo aha raga da’da codaynta gaadhay,  shacabka Somaliland intaa
codaysay badankoodu wy diideen.laakin  intii badnayd way qaadacday,,waxaysa reer Somalia
fashilmeen  markii tirade lagu Sheegay  in amalia ka codaysay y ka badatay tii caalamku ku ogaa
oo ahayd 1.2 Milyan oo  rag ,dumar iyo caruurtoodi ka koobnayd

Cige:  Waar heedhe  shacabkii Somalia ( Ex South Somali Republic)  waxay ka codeeyeen labada tuulo
ee kala ah Aden yabaal iyo Walaweyn.

Caraale: oo waxaad leedahay magaalooyinkii waaweyna lagama  codayn.

Cige ; Hadaa maxaad ku micnaynaysaa in AdenYabaal Xamar ka dad badato.

Caraale: waar kuwa iiga daayo maxaad kale ee aad haysa manta.

Cige: Waxaan kuu haya Turkigii oo mar kale cadaystay  ujeedada uu ka leeyahay wadahadalada Somaliland
iyo Somalia.

Caraale: Kow.

Cige: wuxuu ku leeyahay  ujeedada aan wada hadalada somaliland iyo Somalia ka leenahay waa in  labada
dal midoobaan.

Caraale: Oo lamabuu gaban ba

Cige: Xagee  waxaabuu isu haystaa in uu inoo taliyo.

Caraale : Maxaa xal ah.

Cige:   xal aniga gacantayda Kuma jiro ee xukuumada ayuu ku Jira, xukuumadiina alaabadii ku haboonayd
kamay qaadin
Caraale: oo adigu  hadaad Xukuumada tahay  maxaad yeeli lahayd ?

Cige: horta marka hore  wakiilka halkan u fadhiya Turkiga 24 sacaadood Ayaan u qaban lahaa in uu kaga
baxo J.Somaliland. mark xigan  qoraal baan soo saari lahaa  ah in aan Turkigu dhexdhexaad ka ahyn
wada hadalada Somaliland iyo Somalia sidaa darted wadan dhexdhexaad ah loo wareejiyo

Caraale: Waa kugu raacsanahay, wakiilka halka turkiga u fadhiya  shaqadiisu waa basaasnimo iyo inuu
shacabka Somaliland u sakhiro waxa midnimada ay u yaqaanaan, iyo in uu helo reer Somaliland ku
taageera qorshihiisaa shaydaaniga ah,kuwaas oo hadii ay bataan dabaylo  inaggu kiciya.

Cige: waa runta. markaa  Kulmiye iyo Xukuumadiisa ayaan ka war sugaynaa hadii kale….

Caraale: Hadii kale maxay  ?

Cige: Hadii kale Kulmiye wuxuu waayi doonaa  codka markay doorasho timaado

Caraale:   Hadii xuukumadu arinkaa wax ka qabato iyo hadii kalaba  tirade taageerayaashiisa waxba
iska bedelimaayaan.
Cige: Waa runta  oo xalku waa reer hebel imisa igala socdo. waar bal abaarihii ka waran

Caraale: Dee waa xabaal iyo ninkeedii lo kala tag.

Cige maxaad oga jeeda?

Caraale: berigii dhawayd ee abaartu heshay galbeedka   xoghayaha Guud ee UN tu wuxuu yimid meel
u dhow xadka Itoobiya iyo Somaliland.isaga oo u guur galaya abaaro halkaa ka Jira.laakin
dhinaca Somaliland uma soo talaabin waayo waxay leeyihiin lama aqoonsan.

Cige: Hadii halkaa lagu sheegi lahaa nin keliya oo argagixiso ah ciidamada beesha caalamka oo dhan
ayaa soo geli lahaa iyaga oo aan odhan  lama aqoonsan .

Caraale: Markaa  xaalada bani aadannimo waa afka baarkiisa sidaa darted shacabku ha isku tashado
ha joojiyaan casuumadaha iyo ololaha doorashooyinka inta Ilaahay faraj furayo……

Maxamad Cali
Mohamed Ali <weerar.2013@yahoo.com

COMMENTS
LINKS