Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Oo Maalmaha Soo Socda Ku Biiraya Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Oo Maalmaha Soo Socda Ku Biiraya Xisbiga Kulmiye
November 23, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa,(wajaalenews) – Aqoonayahan Maxamed Cali Bile oo muddo ilaa labaatan sanno ah ka shaqaynayey hay’adaha Qaramada Midoobay oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, ayaa la filayaa inuu dhawaan ku biiro xisbaga hadda haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo toddobaadkan ku dhawaaqay inuu ku biirayo saaxadda siyaasadda Somaliland ee laga hoggaamiyo saddexda xisbi qaran ee jira xilligan eek ala ah; UCID, KULMIYE iyo WADDANI, si uu uga mid noqdo nidaamka hannaanka talada waddanka.

“Qofku marka uu jecelyahay inuu ka qaybqaato horumarka waddankiisa dariiqa uu u marayo kolba heer buu kaga jiraa, anigu heer farsamo in badan baan ka soo qaybqaatay, heer aqooneeneed  in badan baan ka soo qaybqaatay, heer dib-u-dhis dalkana in badan baan ka soo qaybqaatay, maantana waxaan isleeyahay malaha heerkii siyaasadda ayaa ku habboon in lagaga qaybqaato, waayo waa muftaaxa wax laga hoggaaminayo, markaa maanta waxaan jeclaystay in aan hoggaanka siyaasadeed ee dalka aan qayb ka ahaado oo Insha Allaahu inta cimrigu igu simo aan ahaado xubin firfircoon oo ka qaybqaata si aan ugu adeego bulshada,” ayuu yidhi Maxamed Cali Bile oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa Isniintii.

Inkastoo aqoonyahan Maxamed Cali Bile ka caddayn warbaahinta xisbiga uu doonayo inuu ka bilaabo hayaankiisa siyaasadeed, haddana sida ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw u xaqiijiyeen shabakadda Maalmahanews waxa qorshihiisu yahay inuu ka

COMMENTS
LINKS