|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Xasan Daahir Weedhsame Muxuu ka yidhi Abaarrta Ka Jirta Dalka “Gurmadaay Dadkeeni Miyiga Waan ka Gaabinaye”.
November 7, 2016 - Written by Wariye:
Maansadan Cusub oo la yidhaahdo “Gurmadaay Dadkeeni Miyiga Waan ka Gaabinaye”, ayaa waxay u dhignayd sidan: Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso, Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta, Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara, Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso, Way galangalcoobeen dadkii kugu gadaanaaye, Goonyahaaga baahida jirtaa waa mid ganac weyne, Giriyaad harraad baa ku dilay gabanadeeniiye, Hooyada sidii awr gurgura guudka ubad saartay, Ee socodka goobyaalaysee qaydku kala gooyey, Ee goror biyo ah haysanee luunka lagu gaadhay, Ee weliba gabankay siddaa hooyo garow leeyey, Uma waayin guullaha ilaah gaawe iyo soore, Gurmadaay dadkeenii miyiga waan ka gaabinaye, Markaan hebel u guusaynee doorashada gaadho, Laabtaan garaacnaa hoheey ginida dhiibnaaye, Inta aan is guubabineen wax isu geygeyno, Waynaga nimaan gees ridayn laguma guuraanka, Gumariyo adduun siinaneen gurano qaadhaane, Gaasiraad abaar gaabisiyo, gaajo lagu leeday, Kama gubano keenii golmoon waad ka gudhantiine, Nin walaalkii gaajoonayoo saa gilgilan waayey, Wada dhalasho geeraa ka mudan kuu gurmani weyday. Hargeisa Office Related posts:Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Iyo Dhiggiisa Dalka Taiwan Oo Farriimo Diblumaasiyadeed Oo Xiiso L... Daawo:Shirkada DP World Oo La Wareegasa Dekeda Boosaaso Iyo Dagaalka Diblomaasiyadeed Ee Wadanada ... Hogaamiyaha Qoomiyada Oromada Jawar Maxamed Oo Ka Digay Xasilooni Daro Kasoo Socota Dalka Itoobiya. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|