Abaaruhu Waxay Fariin Ka Sidaan In La Gaadhey Wakhtigii Kheyraadka Dhulka Hoos Jiifa Lagu Madh-Xin Lahaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaaruhu Waxay Fariin Ka Sidaan In La Gaadhey Wakhtigii Kheyraadka Dhulka Hoos Jiifa Lagu Madh-Xin Lahaa
November 16, 2016 - Written by Wariye:

Wax   kasta ,  goob  kasta   iyo  xilli  kastaaba   si   u  gaar   ah  ayuu   u  hadlaa  oo  ama  (signal )  u  dhigma  hadal  la   fahmi  karo  ayuu   bixiyaa   oo  u jeedadeeduna  tahey   in  la  fahmo   fariinta   uu  sido.

Abaaraha   soo  noq-noqonayaa  waxa   ay  sidaan  fariin   u  baahan  in  aynu  fahano  oo   tooshka   inoogu   shidayaan   in  gaadhey   wakhtigii   kheyraadka   dabeeciga  ah  ee   dhulka   hoostiisa   yaala   ee   leh  ( biyo,  macdan, shidaal  iyo   kheyraad   oo  dhan  noocyadiisa  kala   duwan   ee   ku  duugan   arlada   somaliland   in  dawlada  iyo   dadkuba   la   soo   baxaan   kuna   madh-xiyaan   isticmaalka   kheyraadka   xoolaha   ee   dhuuni   iyo   dhaqaale   leh   ee   inta   soomaali   jirtayba   cimrigeed    ina   soo   wadey   ee    laf  dhabarta   aan  ka-kacno   inoo   ahaa).

Waxa   laga  maar-maan  ah   in  faham

dheeraad  ah  iyo  dhugasho  loo  yeesho  dhacdooyinka  is-barkan  ee   sida  duruufaha  qalafsan  ee  naxdinta  badan ( fasiridooda  iyo   signalka   ay  bixinayaan   macneyntooda !!!).

Tallo  iyo  Soojeedin :-

Dawlada   waxa  aan  u  soo   jeedinayaa  in  ay  keento  qorshihii   dalka  lagu  maal-gashan  lahaa,  kheyraadka   ku  duugan   caradeedna   hoosteedana  loola   soo  bixi   lahaa   ee  baryaha  badan  laga  qataan  ee  laga  qaawanaa; isla  mar  ahaantaana   xoolaha   dalka  nasin  lahaa  marka   laga  yimaado  inta   maalin  laha  loo  quudanayo.

Waa   ceeb  in  aynu  ka  qatanaano,  ama  ka shaqo  la’aano,  ama  baahi  iyo   tahriib  ugu  dhimano  iyadoo   dhulkeena   lagu  tiriyo   dhul   masno  iyo  hodan  ku  ah  kheyraad   dhamaantii   oo  dhulka  hoostisa  ceegaag  la  fadhiyo; waliba  uu  ooga  dhulka   uga  soo   baxay  shidaal   iyo  macdan  intuba.

Waa   ceeb  iyo  nusqaan  in  marka  la  yidhaa   kheyraad  baa  la  soo  saarayaa  deegaan   ay  taheyba  aynu  u  soo  qoryo  iyo  qabiil   u rursano  inaga  caqabad  ku  noqonayna   fudaydinta  nolosha  iyo  dhismaha   kabayaasha  dhaqaale  ee  aynu  barito  ku  faani  laheyn.

Wakhtigu  uu  isgurayaa  intaan  xadaarada  aadamuhu  maanta  ii  isticmaalaa  ka  gud bin   waxa  maanta  dunida  qiimaha  kuleh    ee   shidaal   iyo  macdan  ah ;  waxa  muhiim  ah   in  aynu   la  soo  baxno   inta   ay  goori   goor  tahey  ee  aanu   noqonin   (saam-buuse   laga  eedaamay !!).

Dr.khadar-Libaaxley.

gargorey4@gmail.com

COMMENTS
LINKS