(Abaaraha Lagu Leeday Ee Ka Tagan Somaliland Iyo Sonoqnoqodka Abarta). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
(Abaaraha Lagu Leeday Ee Ka Tagan Somaliland Iyo Sonoqnoqodka Abarta).
November 7, 2016 - Written by Wariye:

Abaaruhu waa arin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku timaadaa sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka

Inta aynaan u gelin abaaraha iyo soo noqnoqodkooda,bal aynu yare jaleecno dhulka iyo xaaladiisa joqrafiyeed,si ay inoogu sahlanaato bal in aynu helno meel aan ka abbaarno arinta abaaraha,waxyaabaha sababa,sida looga tabaabusheeysto,iyo xal u helkooda
Waa dhul cimilo kulul leh sanadka intiisa badan,roobkunu uu ku yaryahay,waxana sanadkiina hela wax ka yar 500milimeters garaa 30-40 degrees kulaylku gaadho
Abaaruhu waa arin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku timaadaa sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka mid ah ;Nabadgelyo la,aan ama xasilooni darro ka dhacda wadan(dagaalo dhaca),sidoo kalana Maamul xumo iyo agaasin la’aan ku timaada habkii iyo qaabkii

abaaro

loo maareeyn lahaa siyaasada horumarineed ee biyaha,deegaanka,iyo xaalufin ku timaada dhirta,iyo nabadguur ku dhaca dhulka. Abaaruhu waxay ku yimaadaan dhowr waxyaabood oo kala ah.

Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster).
Kuwo dabiici ah (natural disaster).
Tan uu qofku sababta u noqdo waa tan ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid ay dhaxlaan dhalaankoodu ,haddii aan wax laga qaban,waxaana jira sababo badan oo hadii ay isu tagaan ay adagtahay in wax laga qabto mustaqbalka fog xataa,waana tan haysata deegaamadeena(soomaaliland ),una baahan in lagu wada baraarugo dibad iyo gudahuba.
Aqoon yari iyo masuuliyad-xumo
Cadaalad darro iyo musuqmaasuq baahay
Awoodii iyo fikirkii guud ee bulshada ee ku beegnaa dowladnimada iyo maamulka oo kala qaybsamay siyaasda
Intaas oo dhami waxay ina iloowsiiyeen wax ka qabashadii ama u tabaabusheysigii(ka hortegii) abaaraha, biyo yarida, joojinta jarida dhirta(dhuxusha) iyo ilaalintii deegaanka iwm,intoo kalena waxay horseed ka yihiin in la waayo horumar la gaaro,iyo dadkii aqoonta lahaa oo dalkii ka cararay.
Abaarti waa biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii somaliland ineey ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo baadkii ay xooluhu cabbi ama cuni lahaayeen.Dhibaatooyinka kale ee dadku sabab u noqon karaan ayaa lagu macneeyaa marka ay badato karti la aanta aqoon la aanta masuuliyadeed
Xaalada abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo joogta ah,hadii aan looga hortegin hab diyaarsan oo leh barnaamijkiisa,kaasoo ay soo diyaariyeen dad aqoon u leh arimahaan wax laga qabanayo sidii loo wajihi lahaa.

Abaaraha maanta soomaaliland ka jira waxay u baahan yihiin xal degdeg ah oo lagu yareeyo,waa in bulshadu sameeysaa sanduuq dhaqaale abaareed,waa in leeyska abaabulaa dibadaha iyo gudahaba si looga hortago kumanaan qof oo soomaalilander ah oo qaar ku nafwaayeen,qaar kalena la il-daran yihiin hada ,hadeeysan cunto iyo nafaqo lagu badbaadiyo helin.
Sidee looga hortegi karaa waxyaabaha abaaraha Soomaaliland keeni kara:

Biyaha oo si wanaagsan loo maamulo.
Biyo la’aantu(yaridu) waa waxyaabaha saldhiga u noqon karaa in ay abaari timaado,si biyaha loo ilaaliyo ama looga faa’ideeysto si habboon ayaa ah kuwo aan lagu soo koobi Karin qormo,balse waa moowduuc aad u balaaran,hase ahaatee waxaa loo baahan yahay in la sameeyo;

biyihii roobka ee da’ay waa in la kaydsado ama la joojiyo oo meel lagu shubto( rainwater harvesting),si loo isticaalo xiliyada abaarta sidoo kale waa in la ururiyo macluumaad ku saabsan biyaha la isticmaalayo iyo dadka meesha ku nool qiyaastooda, tiro inteey le’eg yihiin ,si loo ogaado dadku biyaha ay haystaan iyo inta ku filan xiligaas.

Ilaahoow Abaaraha iyo dhibkaba,somaalilad ka saar.
Osmanmahdi916@gmail.com
london uk

COMMENTS
LINKS