Xogo Iftiimiyay Xeeladaha Qarsoon Ee Maayarka Gabiley Kula Shaqeeyo Xisbiyada Mucaaridka Iyo Dib U Dhac ku Yimid Xaflad Xisbiga kulmiye kusoo Dhawaynayay Xubno kusoo Biirayay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Iftiimiyay Xeeladaha Qarsoon Ee Maayarka Gabiley Kula Shaqeeyo Xisbiyada Mucaaridka Iyo Dib U Dhac ku Yimid Xaflad Xisbiga kulmiye kusoo Dhawaynayay Xubno kusoo Biirayay.
October 25, 2016 - Written by Editor:

“Bulshada Gabiley Waxaan ka Tacsiyadaynayaa Codkii Ay Siiyeen Xisbiga Kulmiye’ Maayar Maxamed Amiin.

 

HARGAYSA(W,N) Tan iyo Maalintii Maayarka Dagmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi uu ku dhawaaqay hankiisa Siyaasadeed  ee Murashaxnimada Golaha Deegaanka  waxuu Maayar Maxamad Amiin soo galay Saaxada Siyaasada  isagoo Mucaarad xoogan ah waxaana xusid gaara mudan Hadalkii uu ka jeediyay Fagaarihii Siyaasadeed ee u horeeyay ee uu ka hadlo isagoo Maayar Amiin ka hadlay Munaasibad Xisbiga Ucid 4/9/2012 uu ku soo bandhigay  17 Murashax oo Tartanka Doorashada  Golaha Deegaanka uga qayb galaya  isagoo Maayar Maxamad Amiin Fagaarahaa ka sheegay in aanu Waligii u codayn Xisbiga Kulmiye isagoo  Dadwaynaha Gabiley ku Qiiro galiyay kuna dheeraaday Bahdilaad iyo hab fuul xun ee xillalkii looga qaaday Masuuliyiin  xilal hore uga qabtay Xukuumada Madaxwayne Siiraany waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ( Bulshada Gabiley waxaan ka Tacsiyadaynayaa Codkii ay siiyeen Xisbiga Kulmiye ) ( Bulshada Gabiley Waxaan ka Tacsiyadaynayaa Habki fuusha xumaa ee Madaxwayne Siiraanyo Xilalkii uga qaaday Ganaral Taani Ganaral Jidhif iyo Wasiir C/raxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ) Hadalkaa oo Maalintaa soo jiitay dhamaan Bulshada Gabiley waxuu sobob u noqday in Xisbiga Ucid u arko Siyaasi Da”ayar oo Saaxada Siyaasada ku soo biiray iyadoo Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Taageero dhaqaale oo Murashaxiintii kale aanu siin u fidiyay isaga Tacab badana uu galiyo Maxamed Amiin halka maanta la sheegay in uu taageero dhaqaale u fidiyo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid kulano qarsoodiya uu la yeesho.

 

Maayar Maxamad Amiin ayaa wax badan la wadaaga Siyaasiyiinta Wadaadada ah ee Sannadahan u danbeeyay Garoonada Siyaasada saamaynta balaadhan ku yeeshay Siyaasiyiinta Wadaadada ah oo Caan ku ah Siyaasad Laba gar daaqa ah oo ay u wada Shaqayn karaan Laba Xisbi oo Loolan adag ka dhexeeyo  iyo wax ka badan oo ilaa Heer Caalami ah isagoo la sheegay in Maayar Maxamad Amiin kulankii u danbeeyay oo Qarsoodiya la yeeshay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan oo uu Aaminsan yahay in uu kursiga Maayarnimada isagu saaray Abaal badana u hayo .

Xogtan oo Iftiimisay Kulan Qarsoodiga ah ee dhex maray  Maayarka Gabiley  Maxamad Amiin iyo Xubno kamida hogaanka xisbiga mucaaridka ka ah ee wadani. kaasi la sheegay  in kulankoodu ka qabsoomay Magaalada Gabiley iyadoo xubnahan ay Maayar Amiin kula taliyeen in uu danta guud ka shaqeeyo uu Faraha ka qaado Xafladaha iyoMunaasibadaha uu ku mashquulayo ee Xisbiga Kulmiye isla markaana uu dhex u ahaado Murashaxiinta ku tartamaysa Garoonka Siyaasada .

Sidoo kale xunahan ayaa Maayar Maxamad Amiin xasuusiyay in uu isagu Kursiga Maayarnimada  saaray  ugana hiiliyeen xiligii ay xukuumada katirsanaayeen Xilldhibaanadii iyo Wasiiradii Gabiley ka soo jeeday ee diidanaa Maayarnimadiisa maantana ay kamid yihiin  Xisbiga Wadani iyadoo Xogahan ayaa intaa kusii daray  in ay kula dardaarmeen  Maayar Maxamad Amiin in aanu Toos uga hor iman Xisbiga Wadani iyo xisbigisii uu kasoo baxay ee UCID.  .

Dib u dhaca ku yimid Munaasibad Xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayay Sadex Gudoomiye oo iskaga danbeeyay Maayarnimada Dagmada Gabiley Maxamad Cabaas Jaamac ,Aadan Muxumad Bade ,Xuseen Muxumad Axmad ( Jameeco ) Badhasaab ku xigeenkii Waqtigii Udub C/rasaaq Sh Aadan ,Xilldhibaan Cali Axmad Yuusuf Maxamad Muxumad Nuur ( Laanloobar )iyo Masuuliyiin tiro badan ayaa loo tirinayaa in ay sobobtay Kulanka Qarsoodiga ah ee dhex maray  Hogaamiye Xirsi iyo Maayaka Dagmada Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi  .

Iyadoo sida Xogtani sheegaysa Sideed iyo Afartan Saacadood ay ka soo wareegeen Kulanka Qarsoodiga ah ee dhex maray Maayarka Gabiley Maxamad Amiin iyo Xubnaha kasocday Hogaanka asxaabta mucaaridka  ay gabi ahaanba joogsaday olole Xoogan oo Maayarku gadh wadeen ka ahaa oo Xisbiga Kulmiye uu ka waday Magaalada Gabiley .

Si kastaba ha ahaatee waxaan la dafiri Karin in Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan uu Masuuliyiin badan oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka tirsan uu Abaal gashaday isla markaana uu Xisbiga Wadani ee uu Hogaamiyaha ka yahay awoodo in uu ka bakhtiiyo Dabkasta oo ku shidan .

HARGAYSA SOMALILAND

WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE HABANE

COMMENTS
LINKS