Xoghayaha Guud Ee QM Oo Ergay Cusub u Magacaabay Xafiiska QM Ee Somalia UNSOS. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Guud Ee QM Oo Ergay Cusub u Magacaabay Xafiiska QM Ee Somalia UNSOS.
October 4, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa u magacaabay Col. Hubert Price Madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Somalia oo loosoo gaabiyo [UNSOS].

Sarkaalka loo magacaabay xafiiska UNSOS, ayaa wuxuu hora uga mid ahaa ciidanka dalka Mareykanka, isagoo horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Hawl-galka Taageerada Qaramada Midoobey ee dalka Liberia mudadii u dhexeysay 2010-kii illaa 2015-kii.

Ergayga_Cusub_ee_QM_UNSOS

Sidoo kale, Col. Price oo ah khabiir muddo 20-sannadood ah ka shaqeynayay hawl-gallada Qaramada Midoobay ee Caalamka, ayaa haatan ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee dhinacyada horumarinta iyo Taageerada.

Col. Hubert Price, ayaa dhanka kale, wuxuu ahaa madax ka ahaa hawlgalka taageerada QM ee East Timor UNMISET, Wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Ivory Coast ee loo soo gaabiyo [UNOCI].

Ugu dambeyn, Magacaabista ergaygan cusub ee xafiiska UNSOS Somalia ayaa waxay qayb ka tahay dadaallada QM ay ugu jirto taageerida Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa colaado soo jiitamayay muddo Rubuc-qarni ka badan.

 

COMMENTS
LINKS