“Waxaanu Caalamka ka Dalbanaynaa In Sharciga la Horkeeno Gen. Moorgan Oo Geystay Xasuuq” Khadar Axmed Like | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Caalamka ka Dalbanaynaa In Sharciga la Horkeeno Gen. Moorgan Oo Geystay Xasuuq” Khadar Axmed Like
October 20, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(W,n) Guddoomiyaha guddida daba galka xasuuqii taliskii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre ka geysteen Somaliland, Khadar Axmed Like, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in gen. Maxamed Siciid  Moorgan iyo raggii kale ee fal-dambiyadeedyada iyo xasuuqa ka geystay dalkan inay soo qabtaan si cadaaladda loo horkeeno.

Khadar Axmed Like waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu ugu baaqay bulshada Soomaaliya in aanay madax ka dhigan ragga gacan ku dhiigleyaasha ah ee xasuuqa u geystay dad maati ah oo aan waxba galabsan.

“Annagu waxaanu caddayn weyn ku haynaa in uu gacan ku dhiigle dagaal ooge ah ahaa ninka imika shaarubaha waa weyn la baxay ee loo yaqaano Moorgan, oo ummada Somaliland xasuuq ba’an u geystay, kaas ayaa imikana la leeyahay baarlamaanada ay reer Xamarku dooranayaan ha lagu soo daro, dhab ahaantii waa dadkii xasuuqan u geystay shacabka Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Waxa dambiga ay nimankani galeen iyo xasuuqa ay geysteen  loo hayaa  markhaatiyo  faro badan oo laga furi karo Maxkamada adduunka, kuwaaasi ayuu ka mid yahay ninkaasina, Maslax Maxamed Siyaad Barre oo iyagu wada doonaya inay galaan baarlamaanada Xamar, si mar labaad xasuuqii ay geysteen ay mar labaad haddana isku dayaan.”

Khadar Axmed Like, waxa uu sheegay in xataa haddii ay dambiileyaashani xilal qabtaan aan laga hadhi doonin sidii loo maxkamadeyn lahaa. “Haddii aanu Somaliland nahay waxaanu adduun-weynaha u sheegaynaa oo aanu u sheegaynaa golayaashan cida ka madaxda ah ee sameynaya, in aanay dhiigii hore oo gacanta ugu jira oo gacmahooda ka qoyan, inaanay  haddana mar labaad ka qeyb galin madaxda dalka Soomaaliya ee magacooda ay ku galeen xasuuqii ay u geysteen Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray “Waxaanu beesha caalamka u sheegaynaa haddii ay suuro-gal tahay in naloo soo qabto isaga iyo wixii la hal maala, iyo liiska dheer ee aanu  hayno ee danbiileyaasha ee doonaya hadana mar labaad inay ku fadhiistaan kursi umad laga xukumo.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu soo dhaweeyay bayaankii beesha caalamku ay uga digtay Soomaaliya inay goleyaasheeda sharci dejinta soo galaan shakhsiyaad  ku eedaysan fal-dambiyeedyo.

Waxa lagu qiyaasay dadkii rayidka ahaa ee dabo-yaaqadii sideetamaadkii taliskii Soomaaliya ku dileen magaalooyinka Somaliland inay gaadhayaan konton kun oo qof

COMMENTS
LINKS